HARGEYSA: Biyo-la’aantii ugu ballaadhnayd oo Xalay u bilaabantay Xaafadaha Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax

dooxa hargeysa (1)Hargeysa (SLpost)- Biyo la’aan tii ugu xumayd muddo dhowr iyo labaatan sanno ah, ayaa soo food-saartay Xaafadaha Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, kaddib markii daadad Xoog badan oo xalay soo maray Dooxa Hargeysa Burburiyeen Beeb weyn oo Biyaha Gaadhsiiya magaalada Hargeysa oo Xaafadahaas biyaha u geyn jiray.

Beebka weyn ee Daadadku khasaaraha u geysteen oo ka tallaaba meel dhinaca Bari ka xigta biriishka Koowaad ee magaalada Hargeysa, waxa maanta booqday masuuliyiin sar-sare oo uu horkacayey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis.

dooxa hargeysa (3)Maareeyaha oo ka hadlay sida ay uga hawl-galayaan hagaajinta Burburka ku yimi Beebka Biyaha, ayaa sheegay inaanay sahlanayn dayac-tir lagu samayn karo Beebka biyaha maadaama lagu jiro xilli-roobaad.

“Waxa xalay Daad weyn oo soo rogmadey uu jarey Beebkii weynaa ee ka talabayey Dooxa oo ah beebka waraabiya labada Degmo ee Maxamud Haybe iyo Axmed Dhagax oo mara bariga Birishka koowad ee Magaalada Hargeysa,” Sidaas waxa yidhi maareeye Ibraahim Siyaad Yoonis oo arrintan ka hadlay.

dooxa hargeysa (2)Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Waxaananu ilaahay ka baryeynaa in uu noo dhib yareeyo sameyntiisa oo ah hawl aad u adag maadama oo lagu jiro xiligii roobka.”

Si kastaba ha ahaatee, In kasta oo aan garan karin muddada ay qaadanayso hagaajinta Beebka biyaha ee Daadadku burburiyeen, haddana Xaafadahaas ayaa ka mid ahaa degmooyinka magaalada Hargeysa ee inta badan biyo la’aanta ka cawda. Haseyeeshee, burburka ku yimi Dhuunta Biyaha u geysa xaafadahaas oo noqonaysa markii u horeysay ee khasaaraha intan le’eg ku yimaaddo, ayaa sii kordhinaysa baahida biyo-yaraaneed ee dadweynaha xaafadahaasi hore uga caban jireen.

dooxa hargeysa (5)Maareeye Ibraahim Siyaad Yoonis oo sababta biyo-yaraanta xaafadahaas dhowaan wax laga weydiiyey, ayaa sheegay in korodhka meheradaha ku yaalla badhtamaha Suuqa magaalada Hargeysa ay sababta u tahay biyo-yaraanta maadama oo biyihii xaafadahaas u socday sii maraan Suuqa weyn ee Caasimadda oo meheradaha iyo shacbiyaddiisu sii kordhayeen sannadkihii u dambeeyey.

dooxa hargeysa (4)Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sannadihii ugu dambaysay ku hawlanayd mashruuc biyo-ballaadhin laga hirgelinayo magaalada Hargeysa iyadoo la kaashanaysa Midowga Yurub oo maal-gelintiisa bixiyey.

SOMALILANDPOST.NET

Editor@somalilandpost.net