Hargeysa: Arrimaha lagaga Hadlay Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Ingiriiska

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

War kooban oo ka soo Baxay Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Kulanka lagaga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo arrimo la xidhiidha dhinacyada amniga mandaqadda Geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada, sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka dalka.

Warku waxa uu intaas ku daray in madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo uga mahadnaqay xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhkaasi.

“Safiirku waxa uu sheegay inay ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta labada dal in la xoojiyo lagana wada socdo wixii hadba ku soo kordha mandaqadda geeska Afrika,” Sidaas waxa lagu sheegay warka kooban ee ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net