HARGEYSA: 16ka Cisho ee Ololaha ka Dhanka ah Tacadiyada Haweenka oo La soo gabagabeeyey

 

Hargeysa(SLpost)-Shaqo baraarujineed iyo wacyigelin la waday muddo lix iyo toban cisho (16 days of activism) ah oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland islamarkaana lagaga hadlayey tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo caruurta ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Hargeysa ee xarunta dalka jamhuuriyadda Somaliland. Hawshan ayaa dunida oo dhan laga xusaa laguna xusaa 16 cisho (25 ka Noofambar-maalinta cidhibtirka tacadiyada ka dhanka haweenka ilaa 10ka Diisambar-maalinta xuquuqal insaanka adduunka) oo bulshada lagaga wacyigelinayo tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo caruurta. Qaar ka mid ah hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ayaa ka qaybqaadanayey ololahan shaqo.

 

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Cali Sandule oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan u mahadnaqayaan cid kasta oo kala qaybqaadatay shaqadan lix iyo tobanka cisho socotay, isla markaana waxa uu sheegay in ay shaqadaasi maanta ku eegtahay, “Raggii haddii qayilaadoodu badatay, haddii aad caruurtii iyo guryihii haysaan oo aad waliba ku daraysaan in aad biilkii raadisaan, haddaanu waliba qaad idinku dilayno. Wixii ragga lala qaban jiray idinka ayaannu idinla qabanaynaa oo sidaasaa innoo balan ah. Xafladdii, baraarujintii iyo hirgalintii aynnu mudada lix iyo tobanka cisho ku soo jirnay aad baannu ugu mahadnaqaynaa oo waannu tixgalinaynaa cid kasta oo hawshan nagala shaqaysay. Hawshii aynnu 16ka cisho ku soo jirnay way innoo xidhan tahay maantana” ayuu yidhi Wasiir Cali Sandule.

 

https://youtu.be/XoXaUqjos08