“Hantida umadda waa la badbaadinayaa, Cirrona maanta ayuu muujiyay inuu madaxweyne u qalmo..”Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh

 

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa warbaahinta u sheegay inay ka gilgisheen in hantida umadda la wareejiyo,waxaanu gudoomiye Cirro ku tilmaamay mid maanta uu muujiyay inuu u qalmo in madaxweyne in loo doorto.

Waxaan isaga oo warbaahinta la hadlaayay fadhiga lagu dagaalamay kadib uu yidhi sidan “Waxa la boobayaa waa xoolihii umadda ee ay ku faanayeen inta haamood ee hagaajiyeen inatay gacanta ku hayeen,inay maanta intii dib u baabi’inayaan ayaanu u aragnaa, kana yeeli mayno oo hantida umadda waa la badbaadinayaa, Cirrona maanta ayuu muujiyay inuu madaxweyne u qalmo.”