Hanti-dhowrka Qaranka oo Baadhis ka bilaabay Wasaaradda Maaliyadda Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka JSL ayaa Baadhis ka Bilaabay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland iyo Laamaheeda kala duwan.

Baadhistan ayaa ka kooban Saddexda Nooc Baadhiseed ee uu jideeyay Xeerka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Xr. Lr. 76/2016, oo kala ah Baadhis Maaliyadeed, Baadhis Wax Qabad iyo Baadhista Waafaqsanaanta Shuruucda,

Baadhistan ayaa muddada ay socoto waxa ka qayb qaadanaya saraakiil u tababaran Nidaamka Baadhisaha Caalamiga ah, oo sannadihii u danbeeyay lagu sameeyay isbaddallo wax ku oola oo Baadhisaha Qaranka u fududaynaya in lawada gaadho dhammaan Laamaha Dawladda ee kala duwan taas oo loo hirgalin doono hab casriya oo la jaan-qaadaya Nidaamka Baadhisaha Caalamiga ah.

Bilihii u danbeeyay waxa Noocyadaa Baadhisuhu ka socdeen in ka badan illaa 8 meelood oo isugu jira Wasaaraddo iyo Hay’addaha Dawladda oo waafaqsan Qorshaha Sannadkan 2021 ee imika curtay oo la rabo in la gaadho inta badan Laamaha Dawladda Dhexe iyo Hoosaba.