Hanti-dhowrka Guud ee Somaliland oo faahfaahiyey Xaaladda Dadka falal Musuq-maasuq u xidhan oo qaarkood la xukumay

 

Hargeysa (SLpost)- Hanti-dhowrka Guud ee Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey kiisaska shaqsiyaad dowladda u shaqeeya oo loo xidh-xidhay tuhunno musuq-maasuq, kuwaas oo qaarkood la horgeeyay Maxkamadda, laguna helay eedaymihii loo haystay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir ayaa lagu sheegay in xukuumaddu arrimo musuq-maasuq u xidh-xidhay 19 qof oo qaarkoo la xukumay, kaddib markii lagu helay inay falal musuq-maasuq sameeyeen, halka qaarkoodna aan wali wax maxkamad ah la horgeynin oo baadhitaanno ku socdaan.

Advertisement

Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland waxa uu sheegay inay sannadkan qaadeen tallaabooyin wax ku-ool ah oo lagaga hortagayo Musuq-maasuqa, Isla Markaana ay culeyska saareen horumatinta xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed.

Hanti-dhowre Axmed Yuusuf Dirir waxa uu bulshada Somaliland ku baaqay in si wadajir ah looga hawl-galo, xukuumaddana lagu taageero sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagga arrimaha Musuq-maasuqa.

Qoraalka uu soo saaray Hanti-dhowrka Guud oo ka duullaya xuska maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka Musuq-maasuqa oo 9-ka bisha December ku beegan, nuqul ka mid ahina soo gaadhay warbaahinta Somalilandpos.net, ayaa u qornaa Sidan:-

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On