Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo Xabsiga u taxaabay Masuuliyiin Eedo Musuq loo haysto

Hargeysa (SLpost)- Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Maareeyihii hore ee Madbacadda Qaranka iyo Agaasimihii waaxda maamulka.

 

Xadhigga Maareeyihii hore ee Madbacada  Qaranka Siciid Saalax Shire iyo Agaasime waaxeedka Maamulka Lacagta ee madbacadaas Cabdikariin Cabdilaahi Cumar, ayaa ka dambeeyey baadhitaano todobaadyadii u dambeeyey Xafiiska Hanti-dhowraha guud ka waday halkaasi, kaasoo sida la sheegay la xidhiidha arrimo musuqmaasuq.

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Oo baadhitaanno ka bilaabay Dowladda Hoose ee Hargeysa

Ma jiro war rasmi ah oo wali Xafiiska Hanti-dhowraha guud ka soo saaray xadhiga labadan sarkaal, hase ahaatee saraakiil sarsare oo ka tirsan Xafiiskaasi oo Kalsantv wax ka waydiiyey sababaha loo xidhay, ayaa ka gaabsaday in faahfaahin ku saabsan arrintaasi, waxayse xaqiijiyeen in xabsiga loo taxaabay labadan xubnood.

 

Xafiiska Hanti-dhowrka guud ayaa dhowr Hay’addood oo dawli ah howlgal baadhiseed ka waday Bilihii u dambeeyey.

 

Maareeyaha hore ee la taxaabay ayaa xilka wareejiyey 20-kii Bishii January, kaddib markii Madaxweynuhu xilka ka qaaday.