Halkee ayey Maraysaa Dhismaha Waddada Ceerigaabo?

 

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta gacanta ku haya dhismaha wadada isku xidha gobollada Togdheer iyo Sanaag, ayaa ka warbixiyey halka ay marayso qaybta hore ee dhismaha buundooyinka ay wadadaasi yeelan doonto.

Sida uu ku soo waramay wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ee degmada Ceel-af-weyn ee gobolka Sanaag Maxamuud Cabdi Barre, ayaa sheegay in dhismaha waddadaas la dar-dargeliyay.

Eng. Xuseen Maxamuud Cumar, oo ka mida masuuliyiinta gacanta ku haysa dhismaha waddadaas ayaa sheegay in ay dhamaad ku dhawdahay qaybtii hore ee sameynta buundooyinka waddadaasi, kuwaas oo la dhameeyay lix iyo toban buundo oo ah qaybta kuwaad ee sameynta buundooyinka ay waddadaasi yeelan doonto, iyada oo shirkadihii gacanta ku hayayna ay shaqadaas wadaan, masuuliyiinta wadadaasina ay komeer isdaba joog ah ku hayaan sida shaqadaasi u socoto.

Eng. Xuseen Maxamuud Cumar, waxa kale oo uu xusay inay gacanta ku hayaan sidii ay u bannayn lahaayeen meelo buuro ah, kuwaas oo xanibaad ku ahaa shaqada dhismaha waddadaas.

Ugu dambayn Eng. Xuseen Maxamuud Cuma,r wuxuu sheegay la filaayo in dhismaha waddadaasi soo gaba-gabowdo, maadaama oo ay hawl-wadeenada gacanta ku hayaan marayaan qaybihii u dambeeyay ee dhismaha waddadaas oo ah mid muhiim u ah isku xidhka gobollada Togdheer iyo Sannaag.