Halkee ayay Maraysaa Tirada Kiisaska la Xaqiijiyey iyo Dadka u dhintay Xannuunka Covid-19 ee Somaliland?

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo Caabuqa Coronavirus ah kaddib baadhitaanno Caafimaad oo la sameeyey 24-kii saacadood ee u dambeeyey.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo warbixinta maalinlaha ah ee xannuunka Covid-19 la wadaagayey bulshada maanta, ayaa sheegay in baadhitaan ay ku sameeyeen 20 qof 24-kii saac ee u dambeeyey lagu xaqiijiyey 2 kiis oo ku soo kordhay tiradii hore ee dadka laga helay cudurka Covid-19 ee dalka oo ahayd 129 qof, taas oo tirada guud ka dhigaysa 131 qof oo laga helay xannuunkan gudaha Somaliland.

Labada qof ee maanta laga helay xannuunka oo Isugu jira Lab iyo Dheddig da’doodu u dhaxayso 30-jir ilaa 40-jir, ayaa ku nool magaalada Hargeysa. Waxa kale oo Agaasimuhu sheegay in hal qof Xannuunka ugu geeriyooday magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Tirada Dadka xannuunka u dhimatay ayaa haatan gaadhay 11 qof, halka 10 qof ka bogsadeen xannuunka, sida uu Agaasimuhu shaaciyey.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Agaasimaha Guud