Halkee ayay Maraysaa Hawsha Ballaadhinta iyo Casriyeynta Waddada Wadnaha ee Caasimadda Hargeysa? (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cali Bile, ayaa maanta kormeeray Waddada wadnaha ee badhtamaha caasimadda Hargeysa oo ballaadhin lagu wado, islamarkaana maanta la dhigay biyo-mareenno cusub.

Agaasime Maxamed Cali Bile, waxa uu halkaas kula kulmay hawl-wadeennada gacanta ku haya waddada wadnaha ee badhtamaha caasimadda oo dhigaya biyo-mareenno cusub oo fududaynaya biyaha waddada kusoo dhacaya xilliyada roobabka, islamarkaana wax weyn ka taraya tayada mustaqbal iyo bilicda waddadaasi yeelan doonto.

Sidoo kale, waxa uu agaasimuhu kormeerkiisa kusoo maray Biriish cusub oo laga dhisayo dhinaca Koonfur-galbeed ee madaxtooyada cusub, kaas oo fududayn doona isu socodka caasimadda, isaga oo sidoo kalena soo indho-indheeyey xarun weyn oo lagu farsameeyo tuunbooyinka shubka ah oo loo isticmaalayo biyo-xidheennada waddada wadnaha ah la dhigayo.

Advertisement

Waddada halbowlaha ah ee badhtamaha caasimadda oo hawsha ballaadhinteedu in muddo ah socotay, waxa iska kaashanaya madaxtooyada Somaliland iyo dawladda hoose ee Hargeysa, waxaana ku socoto ballaadhin iyo casriyey lagaga dhigaya mid la jaanqaadda quruxda iyo koritaanka caasimadda Hargeysa.

Follow us On