Halkee ayay ku dambeeyeen Guddigii heer Qaran ee Covid-19 iyo Lacagihii loo ururiyey Xakamaynta cudurka?

Wasiirka Caafimaadka Somaliland
Wasiirka Caafimaadka Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda horumrinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa ka hadlay talaabooyinkii ay soo saareen guddidii heer qaran ee xakameynta cudurka Covid-19.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland
Wasiirka Caafimaadka Somaliland

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa tilmaamay muhiimada ay leeyihiin talaabooyinkii lagaga hortageyey xannuunka Coronavirus, ee ay soo saareen guddidii xakameynta iyo u diyaargarawga ee cudurka Covid-19 markii la qaaday xayiraadihii bulshada lagu soo rogay wakhtigii uu xawliga ba’an ku socday xannuunku.

Waxa kale oo uu wasiirka caafimaadka Somaliland meesha ka saaray eedaymo guddidaas ay u soo jeediyeen xubno ka tirsan xisbiyada mucaaridku, isaga oo sheegay in wakhtigaas la sameeyey afar sanduuq oo loogu talo galay in lagu yareeyo saameynta uu xannuunkaasi keenay.

Sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadku, waxa la aasaasay Sanduuq loogu talo galay ka hortaga iyo xakameynta Covid-19 oo kharashka loo qorsheeyey uu ahaa $1.5 milyan isla markaana loo isticmaalay qalabkii, daaweyntii, wacyigelintii iyo adeegyadii caafimaad ee loo fidinayey dadkii uu asiibay xannuunkaas, halka sanduuqa labaad ahaa mid ay ganacsatada iyo xukuumadduba ay iska kaashadeen lagana taageeray dad badan oo uu xannuunkaasi saameeyey noloshooda loona qaybiyey raashin guud ahaan gobollada dalka.

Waxa kale, oo uu wasiirku faahfaahin ka bixiyey sanduuqii loogu talo galay dadka ganacsiyada yaryar lahaa ee uu saameeyey xannuunka Coronavirus iyo sanduuq loogu talo galay in lagu taageero dalagga beeraha oo uu xusay in lacagahaasi aan la sticmaalin oo lahayo.

Waxa uu wasiirku ku dooday inay xukuumad ahaan hayaan oo la wadaagayaan cidkasta oo u baahan caddeymaha lacagahaas la isticmaalay iyo xisaab-xidhkooda.

Somalilandpos.net

contact@somalilandpost.net