“Haddii Shirka Golaha Dhexe Dib u Dhac Ku Yimaado Qaranka Dhaawac baa Gaadhi Doona” Musharax Indho-indho

Hargeysa(SLpost)ovember-06-2015- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed  Xasan(Indho-indho), oo sheegay inuu musharax madaxweyne xigeen u yahay Muuse Biixi, waxa uu sheegay inaanu garabkoodu aqbali doonin in shirka Kulmiye dib loo dhigo 10 daqiiqo.

 

Shirka golaha dhexe ee Kulmiye, oo hore loogu qoondeeyay inuu qabsoomo 10-ka November waxaa diidan in wakhtigaasi la qabto musharaxiinta isbahaystay oo doonaya in dib loo dhigo si xal looga gaadho arrimaha la isku hayo, balse garabka Muuse Biixi ayaa ku adkaysanaya in wakhtigiisa la qabto.

 

“Shiweynuhu waa inuu wakhtigiisii ku dhacaa, Muddada shirka loo qabtay oo ah 10-Ka Bisha November waa inaan saacad dib looga dhigin, Haddii shirkaas dib u dhac ku yimaaddana Xisbiga Kulmiye, Madaxweynaha iyo qarankaba dhaawac baa gaadhi doona,” Ayuu yidhi Musharrax Indho Indho oo Hubaal u waramay.

 

Musharraxa oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in muddo dheer lasoo waday qaban-qaabada shirweynaha, isla-markaana musharrixiintu hore u haysteen wakhti ku filan oo ay arrimahooda kaga baaraan degaan, waxana uu yidhi,“Shirweynuhu in badan buu soo rafaneyey, Xisbigu soo hadlayey, musharrixiintuna Olalahooda soo wadday, Maantana waxa la gaadhay xilligii lagu adkaysan lahaa inuu wakhtigiisa ku dhaco oo aan ballantaas hore laga laabanin.”

 

Cabdiqaadir Indho-indho oo hore u shaaciyey inuu Ku-xigeen u yahay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa haatanna sheegay inay isku aragti ka yihiin Gudoomiyaha sidii shirku wakhtigii loo cayimay ugu qabsoomi lahaa,“Waa in dadka aan ku xigi waayey aan shirweynaha dib loogu dhigin. Aniga iyo ninka aan ku xigo ee Aqlabiyadda shirka wadannaa ma aqbali doono in shirweynaha Toban Mirir dib loo dhigo.” Ayuu yidhi Musharrax Indho-indho.

 

Garabka Muuse Biixi, ayaa u muuqda kuwo ay ka go’an tahay qabashada shirka golaha dhexe ee Kulmiye wakhtigiisa ah Salaasada soo socota. Musharaxiintooda ayaa iska xaadiriyay xarunta xisbiga si ay u oofiyaan baaq ku aadan buuxinta shuruudaha oo xoghayuhu u jeediyay.