“Haddii Aynu Habeenkii Kala Faqno, Aroortii Inaga Oo Is Khilaafsan Baynu Isu Imanaynaa” – Madaxweyne Biixi

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacbiga ugu baaqay inay ka xoroobaan isla markaana meel isaga tiiriyaan aafada Qabyaaladda oo uu sheegay inay caqabad ku tahay hiigsiga horumarineed ee dalka.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayey munaasibad uu xadhigga kaga jaray dhismeyaal iyo mashaariic loo hirgeliyey ciidanka dab-demiska Somaliland, waxa uu sheegay inaanay Somaliland gaadhi karin horumarka ay hiigsanayso haddii aan laga tashan aafada qabyaaladda.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka madaxweynaha