“Haddii Airport-ka la xidho oo dekedaha dalka la xidho oo maciishadaha dalka oo dhan la xidho, Hal shay oo aan la xidhin oo saamayntiisa leh baa jira”

Xildhibaan Maxamed 12Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan oo katirsan mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, isla-markaana ah Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha bulshada ee Golahaas, ayaa ka Hadlay Halista ka iman karta Cudurka Ebola oo wararku sheegayaan in laga helay Ethiopia dhexdeeda.

Xildhibaanka oo u waramay Qaar kamid ah warbaahinta, ayaa sheegay in si xooggan looga taxadarro halista kasoo fool leh xanuunkaas oo si fudud lagu kala qaadi karo, isla-markaana u baahan in feejignaan hore laga yeesho.“waxan waxyar ka odhanayaa xanuunada maanta adduunka halista ku haya oo meelaha laga helay ay afrika siiba galbeedka, su’aasha taaganina waa ma jiraa xidhiidh ka dhexeeya Galbeedka Afrika iyo bariga Afrika, jawaabtu waa haa, waxana xidhiidhisa diyaaradda Ethiopian Airline, diyaaraddani waxa ay Toddobadkii Somaliland ku timaaddaa ilaa saddex duulimaad oo midkiiba sido 250-qof oo ay dheer yihiin.” Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan.

Mudanaha ayaa sheegay in Somaliland halista xanuunkani ay kaga iman karo dhinaca Ethiopia oo ganacsi dhinacyo badan leh la leh dalalka Galbeedka Afrika oo uu xanuunkani six un u ragaadiyey. “Haddii ay Ethiopia Noqotoy Halka uu afrikada Bari uga soo gudbi karo Afrika Bari, maxay tahay xidhiidhka Ethipia la leedahay Somaliland, waxa jira oo Somaliland ehtiopia kasoo qaadataa waxyaabo badan, inagase khatarta ugu badan ee ina haysataa oo waa dhinaca Ethiopia waayo waxaynu leenahay xidhiidh ganacsi oo aad u qoto dheer” ayuu yidhi Xildhibaanku,

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxana uu yidhi, “Sirbaa jirta ah in xanuunkaasi uu Ethiopia soo gaadhay, laakiin dhaqaalaha Ethiopia iyo wuxu ku xidhan yahay Haddii sirtaasi Baxdo inuu dhaqaalaheedu hoos u dhacayo, sidaas darted in badan waxa la saadaalinayaa inay qarinayso intay qarinkarto”

Xildhibaanku waxa uu walaac xooggan ka muujiyey inuu qaadka dhinaca Ethiopia inooga yimaadda soo raaco, maadaama uu si xawli ah si maalinle ah usoo galo Somaliland, waxaanu yidhi, “Haddii Airport-ka la xidho oo dekedaha dalka la xidho oo maciishadaha dalka oo dhan la xidho, Hal shay oo aan la xidhin oo saamayntiisa leh baa jira, mana dacaayadaynayee waxan bulshada Somaliland ku baraarujinayaa inay inaga inooga soo gudbi karto qaadka.”

SOMALILANDPOST.NET