Hadalka Guddoomiyaha UCID ku Difaacayo Qaddiyadda Somaliland iyo Sal-fudaydka ka Muuqda Wakiilka Jabuuti

FALAN-QEYN – W/Q: Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo waraysi siiyey telefiishanka HCTV maalintii Isniinta ee taariikhdu ahayd 30 September 2019, ayaa sheegay in aanay xisbi ahaan ogolayn in wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya lagu qabto dalka Jabuuti, isagoo arrintaasna ku sababeeyey in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu taageersan yahay Soomaaliya, dhinaca kalena uu cadaw ku yahay qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Eedaynta uu Guddoomiye Faysal Cali-waraabe u jeediyey Madaxweynaha Jabuuti maaha mid shaqsi-weerar ah, laakiin waa hadal ay wada rumaysan yihiin shacbiga Somaliland, waxaannu Guddoomiyaha UCID yidhi; “Ismaaciil Cumar Geelle waxa aan u sheegaynaa; ‘Ismaaciiloow, adiga iyo front countries-ka (dalalka deriska ee xadka la leh Somaliland iyo Soomaaliya)’ shir ku qabsan mayno, waxaanan adiga kuu qabnaa in Ismaaciil Cumar Geelle arrintayada daacad kama aha oo Muqdisho ayuu ku xidhan yahay, ma ogola Somaliland, sidaa awgeed gurigaaga ku qabsan mayno…waannu kaa xishoonaynaa, laakiin adigu nagama xishoonaysid, waxaanan kuu sheegaynaa haddii aad naga xishoon waydo wax kale kuu sheegi mayno oo gacal ayaad noo tahaye shir noo qaban maysid…Ismaaciil Cumar Geelle wuu innaga soo horjeeday 28-kaas sanno (ee Somaliland jirtay), dadkiisuna waxay ku dhintaan Beled-weyne (askarta Jabuuti ee AMISOM ku jirta), anaguna waxa aannu ku leenahay; ‘waar adiguba iska diiday Soomaaliye anaga maxaad noogu qasbaysaa? Haddii uu Soomaali ka shaqaynayo dee isagu ha ku darsamo marka hore…Ismaaciil waa cadawgeena oo Xamar inuu innagu dhiso ayuu doonayaa oo ciidamo ayuu u sameeyaa, runta ayaan kuu sheegaynaa oo waannu kaa xishoonaynaa ee adigu naga xishoon weydaye waannu iska kaa celinaynaa…”

Hadalkan uu jeediyey Guddoomiyaha UCID waa hadal uu ku difaacayo qaddiyadda iyo madaxbannaanida dalka Jamhuuriyadda Somaliland, aniga shaqsiyana iigama muuqato wax aflagaado ama edeb-darro ah oo uu Faysal Cali-waraabe ka sheegay Madaxweynaha Jabuuti, balse hadalka runta ah ee uu iftiimiyey waa in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu cadaw ku yahay qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, hadalkaasina maaha wax cusub ee mid ay wada ogyahay, isla markaana u muuqda shacbiga reer Somaliland.

Haddaba, Wakiilka Dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Mr. Xuseen Cumar Kawaaliye oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 1 October 2019, waxa uu ku sheegay inuu ka jawaabayo hadalka uu jeediyey Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, balse sida ku cad muqaallada saxaafaddu baahiyey ninkan reer Jabuuti wax jawaab ah kama bixin nuxurka hadalka Faysal Cali-waraabe ee ahaa in aannu Madaxweynaha Jabuuti dhex ka ahayn wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu la jiro dhinaca Soomaaliya, isla markaana uu cadaw ku yahay qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland. Hasayeeshee taas beddelkeeda waxa Wakiilka Jabuuti uu si shaqsi ah u weeraray Guddoomiyaha UCID.

“Waxa aan idiinku yeedhay in aan ka jawaabo hadallo anshax-xun oo fool-xun oo ka soo yeedhay ninka la yidhaahdo Faysal Cali-waraabe. Waxa aan ka leeyahay Faysal Cali-waraabe; ‘anagu dowladda Jabuuti ayaannu nahay, Dowladda Jabuuti-na waxay la shaqaysaa oo wax ka dhexeeyaan Madaxweynaha Somaliland, Xukuumadda Somaliland iyo shacbi-weynaha Somaliland, waxaanna ka dhexeeya walaaltinimo qoto-dheer iyo xidhiidh qoto-dheer…” Ayuu yidhi Wakiilka Jabuuti ee fadhigiisu yahay Hargeysa.

Mr. Kawaaliye waxa uu ku dooday in aanay Guddoomiyaha UCID meel uga bannaanayn xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, isagoo aad moodo inuu iska indho-tirayo in Faysal Cali-waraabe ka mid yahay masuuliyiinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, madaxna ka yahay xisbi qaran oo dastuuri ah. “Aniga oo magacii Jabuuti ku hadlaya, aflagaadada iyo hadallada fool-xun ee uu ninkaasi ku hadlayo, anagu waxa aannu ka leenahay anagu xisbi lama sheekaysanno oo xisbi wax naga dhexeeyaa anaga ma jiro ee Madaxeyne iyo Xukuumaddiisa ayey wax naga dhexeeyaan. Meel uu ka soo galo sheekada Jabuuti iyo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti meel uu ka soo galo ugama bannaana,” ayuu yidhi Wakiilka Jabuuti.

Marka aad daawato ama dhegaysato hadalka Wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland, waxa ka dhex muuqata fariin hanjabaad ah oo uu ku caddaynayo in Dowladda Jabuuti iska celin doonto Faysal Cali-waraabe, waxa kaloo hadalkiisa ku jira weedho ka baxsan anshaxa diblomaasiyadda ah oo uu wax kaga sheegayo edaabta iyo asluubta Guddoomiyaha UCID.
“Haddii aad adigu aflagaadadaasi uma dul-qaadanayno, aniga oo si diblomaasi ah u hadlaya, jawaabtaasna waxa aannu ka sugaynaa Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumadda Somaliland, waayo anagu xisbi lama hadalno oo shaqsi lama hadalno, umana jawaabno, nagamana gayo, cayna kaama gayno ee haddii aad asluubtaada iyo edaabtaada ku dhawrsan waydo waan iska kaa dhabaynaa (celinaynaa) oo hadeed kaa gaabsan mayno…adigu haddii aad nagu dhex jirin oo aad balaayo la nagu darsaday aad tahay hore ayaan xirsi kuugu qoranay, xirsi-xijaab ayaan kuu xidhannahay, dee xijaabkii waxba waa kaa qaban waayay, suuratul Yaasiin ayaan kugu akhriyeynaa…” ayuu yidhi Wakiilka Jabuuti.

Marka loo fiirsado hadalkan Wakiilka, waxa ku cad hanjabaad ka dhan ah Guddoomiyaha UCID oo ah masuul reer Somaliland, waxaanna muhiim ah in Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ay u yeedho Wakiilka Jabuuti si uu faahfaahin iyo iftiimin (clarification) uga bixiyo hadalkan hanjabaadda ah.

Wax fiican maaha in diblomaasiyiinta Caasimadda Hargeysa u fadhiya dalalka saaxiibka la ah Somaliland ay ku degdegaan inay saxaafadda uga jawaabaan xisbiyada qaranka ama cid ka mid ah qaybaha bulshada Somaliland ee sheega wax gef ku ah dalalka ay wakiilka ka yihiin, balse wixii ay dhibsadaan waa inay si toos ah ugala xidhiidhaan dowladda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kadibna hab diblomaasiyeed wax looga qabto arrinta ay dhibsadaan diblomaasiyiinta fadhigoodu yahay Hargeysa.

Haddaba, degdeg badan ayaa ka muuqday hadalka uu saxaafadda mariyey Mr. Xuseen Kawaaliye, iyadoo weliba cidda uu u jawaabayey oo ah Guddoomiyaha UCID aannu wax gef ah kula kicin qarannimada Jabuuti, balse uu sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle aanu dhex u ahayn Somaliland iyo Soomaaliya.

Wakiilka Jabuuti, ayaa sidoo kale sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle yahay Madaxweynaha Soomaalida oo dhan. “… Ismaaciil Cumar Geelle waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, waa Madaxweynaha Soomaali maanta u ah Madaxweyne dhammaantood ee nin walba oo Soomaali ah meesha uu joogo u adeegga…”

Hasayeeshee, arrinta xaqiiqda jirta ah waa in Ismaaciil Cumar Geelle uu yahay Madaxweyne Soomaali ah oo Madaxda u ah Soomaalida Jabuuti, balse waxa aan Mr. Kawaaliye u sheegaynaa in aannu Madaxweyne u ahayn Soomaalida Somaliland, Soomaalida Itoobiya iyo Soomaalida Kenya, laakiin waxa suurtogal ah inuu Madaxweyne u yahay Soomaalida Soomaaliya, sababtoo ah Soomaaliya waxa jooga Ciidan Reer Jabuuti ah. Soomaalida reer Somaliland waxay leeyihiin Madaxweyne cod dadweyne lagu soo doortay iyo xisbiyo qaran oo dastuuri ah, kuwaasoo si xor ah ugu tartama doorashooyinka kala duwan ee ka dhaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanna xisbiyadaas ka mid ah Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ee uu Guddoomiyaha u yahay Eng. Faysal Cali-waraabe, halka sidoo kale ay jiraan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI. Saddexdaas xisbi qaran waxa kala taageersan bulshada reer Somaliland, waxayna dhammaantood ka wada midaysan yihiin qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Marka ay arrintu sidaas tahay, Wakiilka Jabuuti waxa uu ilaalinayaa danaha dalkiisa Jabuuti, Guddoomiyaha UCID-na waxa uu difaacaya danaha dalkiisa Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa darteed cidda reer Somaliland ee Mr. Xuseen Kawaaliye taageero u muujisaa waa cid difaacaysa danaha Jabuuti oo duulaan ku ah danaha Somaliland. Shacbiga reer Somaliland-na waxay la jiraan cidkasta oo ka shaqaynaysa difaaca qaddiyadda iyo danaha guud ee waddanka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Halkan ka eeg hadalka Guddoomiyaha UCID

https://www.youtube.com/watch?v=bURCj2KeB5E

 

Halkan ka eeg hadalka Wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland

https://www.youtube.com/watch?v=vxUtfKH4RA4