Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 16aad – “Tollaay Reer Hebelow, Taladu maanta ma joogto”

Intaad Reer Saxardiid iyo,

Reer Sarreeye Ducaaliyo,

Reer Sabbeeye tihiinee,

Cuqaashii San-qallooc iyo,

Suldaan Caarshe ogaa iyo,

Nin siyaasad ku dhuuntiyo,

Subaxaa ka casheeyaa,

Idin seexinayaan,

Sallaan aad ka baxdaan iyo,

Salka meel ad dhigtaan iyo,

Wanaag aad ka sugtaan iyo,

Dunidoon la sinnaannaa,

Sacabkoo timo yeeshiyo,

Saabuun xoor laga waayiyo,

Waa dameer san madoowoo,

Si’ na loo arki mayo,

Geeraarka Saalax-waate ee Timacadde, 1964kii,

 Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

19/6/2014ka, Hargeysa,

tribalim‘Bismillah’ aan idhaahdo oo hadalka ballaysin uga dhigo. Burdahana aan isku meerinno si ay belaayada meeraysaa inooga baydho. Intaasi, waa ducadii, ta daneed aan u leexdo.

‘Tollay Reer Hebelow, Taladu maanta ma joogto,’ waxaan ka soo garoocday Geeraar uu iska lahaa ninkii doobta weynaa ee Timacadde, Ilaahay ha u naxariisto hana ka abaal-mariyo casharrada uu inaga siiyay qabyaaladda, fool-xumadeeda iyo aayo-la’aanteedaba.

Waxaanu muran ka taagnayn dibudhaca dadka Soomaaliyeed haysta meel ay joogaanba in uu cidhib ku leeyahay qabyaaladda iyo aafadeeda. Hadda kama hadlaynno, qolada ama reerka sida aynu hadba u naqaanno. Qolo ama reer waa tilmaan. Waxay la-macne tahay lambarka tilifoonka iyo e-mailka oo kale. Waa baadi-sooc lagu tilmaansado qofka oo aan waxba u dhimayn qofka kale ee dadka kale ah ee ay deriska ama ood-wadaagtaba yihiin. Marka aynu joogno degaanka miyiga reer walba meel ayaa u suntan oo uu degaa, bal se dhulku dadka wuu ka dhxeeyaa oo daaqa iyo biyaha midnaba lama kala ceshado haddii ay baahiyi timaaddo. Sidaas ayuu degaanku reer ugu suntan yahay bal se ay dadku u wadaagaan oo ugu wada nool yihiin. Xeerar ay ku wada nool yihiin ayaa jira oo aanay cidina ku xad-gudbin.

Belaayadu waxay ka taagan tahay magaaladii iyo qarannimadii. Tan iyo maalintii gumeysiga la caydhiyay, dhibta taagan ee laga gudbi la’ yahay waa qabyaalad. Hadba cid ayaa xukunka qabata oo looga caal-waayaa in ay qabyaalad miciinsato. Hadda dadka ayay sidaa ugu muuqataaye, wuxu waa koox is-bahaysatay oo reer walba leh oo ku mamay xukunka. Hore sidaas ayay u ahayd. Maantana sidaas ayay tahay. Haddii Eebbe idmo beryaha dambena sidaas ayay iska ahaanaysaa haddii aan laga gurman oo aan wax laga qaban.

 

Qofku marka uu wanaagsan yahay ee uu hawl wanaagsan qabanayo hiil uma baahna oo dadka intiisa badan oo samaha jecel ayaa u hiilisa. Haddaad aragto hoggaamiye qabyaalad iyo waxaan dhaamin ku meeraysanaya waa nimaan wanaag wadin. Waa qof aan isku kalsoonayn. Waa qof aan jeclayn xisaabtanka iyo xalliibnaanta (transparency).

Waxa hubaal ah oo aan laaxin laga jarayn in hal-abuurka Soomaaliyeed intooda ugu badani dagaal ba’an oo aan kala go’ lahayn ku qaadeen qabyaaladda iyo inta adeegsata ee u sadqaysay danihii qaranka iyo horumarkii bulshadaba. Dagaalladaa suugaaneed kuwii ugu ba’naa waxa ka mid ah gulufkii taariikhiga ahaa ee Silsiladdii Deelleey oo ka koobnayd dhowr iyo toddobaatan maanso oo ay tiriyeen ilaa dhowr konton hal-abuur. Aafadu kama imanayso qolooyinka miyiga deggen, bal se waxay belaayo ka dhacaysaa qabyaaladda magaalo iyo xukun dawladeed ku baahday ee sadhaysay. Arrintaasina ma aha mid ka timid dadweynaha bal se waa mid loo aanaynayo bahda isku sheegta Indheer-garatada aan inta dhow wax ka arkin, afka qalaadna loogu yaqaanno ‘Elite’. Wax kasta oo ay taabtaanba waa uu fasakhmaa sidii lagu sheegi jiray sheeko-baralaydii Carbeed eek u saabsanayd Boqorkii wuxu taabtaaba maarta noqon jireen.

Bal hadda aan wada daalacanno Macallin Gaarriye sida farshaxannimada leh ee uu arrintan u dhigay, waxaanu yidhi:

Qoloqoladan loo degay,

Kama dhalan dadweynaha,

Ragga dacarta huriyaa,

Waa kooxo duumo ah,

 

Daaddihiyayaashiyo,

Maammulkay ku duran yiiin,

Qaar baa digtoorro ah,

Digriigoodu madhan yahay,

Qaar baa durbaanno leh,

Oo daacaddii jaray,

Darna waa hagoogtaan,

Waa deniyo waaweeyn,

Isku soo dabbaaloo,

Waa dabaqad maal jecel,

Waxa loo dig leeyahay,

Dhididkayga dahabka ah,

Sidii loo duddubin laa,

 

 

 

Waa maansadiisii Dugsi ma leh Qabyaaladi ee ballaysinka iyo bilowgaba u ahayd Silsiladdii dal iyo dadba la mahadiyay ee Deelleey.

 

Ayaan-darrada maanta Somaliland taalla ee taab lala rogi la’ yahay waa Xisbigii talada dalka ma hayo e’ ku sawirnaa ee Kulmiye iyo Xukuumaddii oo looga taag la’ yahay qabyaalad. Haddii cid xil loo magacaabayo waa qabiil. Haddii Guddiyo la saarayo waa qabiil. Haddii ergooyin xisbi la soo xulayo waa qabiil. Haddii Turkiga wefdi loo dirayo waa la tusmaynayaa si ay reeruhu uga muuqdaan. Tolow, Turkiguna miyuu ina kala yaqaannaa. Fartii la qaadaaba waa ay tusmaysan tahay. Waana sidaa uu Gaarriye u yidhi oo ma ay dalban dadweynuhu, bal se hoggaanka qaloocday ayaa dalbo-juuqihiisa ku qarinaya.

 

Maanta heerka aynu taagan nahay ama maraynnaba, ma jiro reer badbaaday ama gobol ka badbaaday aafada qabyaaladda ay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye horseedka ka yihiin. Reer wax gaar ahi ku dhaceenna ma jiro oo aan ahayn reerka Gabooyaha oo isagu qaba wax aan dadka kale la wadaagin kaas oo ah quudhsi aanu galabsan. Reerkaasi xaq ayuu u leeyahay in uu ka gilgisho oo iska rogo heeryadaa gumeed ee la saaray, intii Ilaahay garansiiyaana waa in ay is-garab taagtaa oo taakulaysaa oo naf iyo maalba u hurtaa. Waa dedaal ina wada faran dhammaanteen.

 

Kala-qaybsanaanteennu dan inooma aha. Waxay dan u tahay xukuumadda Kacaan-u-eg ee ummadda badday dulliga iyo wahabka saran ee ay taayir la rogi la’dahay. Si’ aan hore inoo soo marin ayaa magacii qarannimo loogu adeeganayaa dano gaar ahaaneed, kuwo kooxeed iyo qaar qofeedba. Bal aan ku soo xidhiidhi Macallin Gaarriye sida uu u arkayay qabyaaladda, waxaanu yidhi:

 

 

Dugsi ma leh qabyaaladi,

Waa dararta baahida,

Waa astaanta dibudhaca,

Waa boog dalooshoo,

Dadka maanka kaga taal,

Dirxi qudhun ku nool iyo,

Waxa fadah nin daallin ah,

Damqa oo ku joogsada,

 

 

Dhammaad