Guutooyin Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo tabobar Loogu Soo Xidhay Dalka Ethiopia

Advertisement

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta tabobar muddo u socday loogu soo xidhay Dalka Ethiopia.

Taliyaha ciidamada Qaranka Somaliland, Sarreeye Guud Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiil sarsare oo u dhashay dalka Ethiopia, ayaa goob-joog ka ahaa munaasibadda loo sameeyey ciidamada oo tiradoodu ka badan tahay Laba kun oo Askari.

Ciidamadan ayaa qayb ka noqonaya Tobannaan kun oo Askari oo Milatariga Somaliland ka tirsan oo tabobarro kala duwan ku soo qaatay Kuliyadaha tabobarka Ciidamada ee dalka Ethiopia.

Advertisement

Advertisement