Guurka Go’aankiisu Caqliga Ka Yimaaddo Ayaa Ka Cimri Dheer Kana Badhaadhe Badan Ka Qalbiga Ka Yimaadda

marriage-life-OptimizedHargeysa (SLpost)- Jacaylka xaruntiisu waa qalbiga oo keliya, waxaana cilmi ahaan la ogaaday in caqligu aanu wax faro gelin ah ku samayn jacaylka, go’aanka guurka oo masiiri ahina, sida ay khubarada cilminafsigu sheegeen, waxa uu ka yimaaddaa qofka oo adeegsanaya qalbiga iyo caqliga (Maskaxda midkood) ama labadoodaba.

Haddaba sida ay aaminsan yihiin khubarada cilminafsigu, go’aan qaadashada guurku waxa ay qofka kaga timaaddaa laba nooc,

  1. Mar waa go’aan ka yimaadda qalbiga qofka.
  2. Marka kalana waa go’aan ka yimaadda maskaxda ama caqliga.

Maxay ku kala duwan yihiin?

Guurka go’aankiisu ka yimaadda qalbigu, waa iyada oo qofku go’aankiisa boqolkiiba boqol ku salaynayo jacaylka. Mana eegayo eegayo dabeecadda iyo waaqica kale ee ku xeeran qofkan uu jecel yahay. Waana sababta loo yidhaahdo, jacaylku waa uu indho la’ yahay”

Khubarada cilmi nafsigu waxa ay sheegaan in qofka doonaya inuu guurkiisu noqdo mid waara oo badhaadhe ku daa’ima ay la gudboon tahay in marka uu guur u diyaar garoobo aanu go’aamadiisa oo dhan faraha uga qaadin qalbiga oo dabcan wakiil ka ah jacaylka, balse uu maskaxdiisa si caadi ah uga shaqaysiiyo isaga oo eegaya dhinacyada kale ee qofka uu doonayo in uu nolosha la wadaago, kuna eegaya indho qayb ka mid ahi ka caafimaad qabto jacaylka.

Khubaradu intii ay daraasadda wadeen waxa ay isweydiiyeen su’aasha ah guurka ku dhisan qalbiga oo keliya iyo ka ku dhisan caqliga oo keliya koodee ayaa guulaysta, laguna badhaadhaa” Waxaana u soo baxday jawaab ah in guurka caqligu yahay mid khasaaro yar, kaas oo labada qof ay isu imanayaan iyada oo aanu jirin haba yaraato ee wax ama arrin dabada ka riixaysa ama ku qasbaysa in ay si indho la’ isu guursadaan, si waafi ahna midiba kan kale uu uga baaraan degayo. Waxaana ka dhalanaya guul iyo in guurkaasi noqdo mid ku waara badhaadhe iyo farxad.

Dhanka kale waxa ay khubaradu sheegeen in guurka ka yimaadda qalbiga oo ah guur uu dabada ka wada jacayl uu yahay mid si indho la’ ay lammaanuhu isugu waafaqaan guur, labada qof midkoodna ma eegayo duruufaha kale ee ku xeeran oo laga yaabo in si dhaqso ah ay caqabado burbur keeni karaa uga hor yimaaddaan. Ugu dambayntii waxa ay khubaradu sheegeen in boqolkiiba 80 guurka caqliga ku dhisani uu badbaado kuna waaro badhaadhe, halka guurka qalbiga ku dhisan uu boqolkiiba 20 keliyi ka badbaado. Waxa aanay sheegeen in mashaakilka la fahmi waayey ee ah in lammaane aad isu jeclaa si fudud u kala tagaan ay tahay jawaabteedu in lammaanahni markii hore qalbigu isu keenay balse aanay guurkooda caqli uga meel deyin.

Xigasho Geeska Afrika