Guul-darrada Talyaaniga oo Meesha ka Saartay Rejadii Xulka England ka Qabay Wareegga 16-ka

Xulka dalka Costa Rica uga qaybgaleysa tartamada ciyaaraha kooba adduunka ayaa guul la yaab tabac badan ka soo gaadhay ka heshay Kulan ay caawa foodda isku dareen xulka Taliyaaniga ay kuwada jiraan Group-ka ‘D’.

costa ItlayKulankan oo ku dhammaatay 1-0 ay guushu ku raacday Xulka Costa Rica, ayaa meesha ka saaray Rejadii uu Xulka England ka qabatay inay ku loolamaan kaalinta Labaad ee Group-ka oo ay ku wada jiraan Italy, Costa Rica iyo Uruguay.

England oo labadeedii kulan ee ugu horeeyay laga badiyay waxay u baahneyd inay Italy badiso si ay usii noolaato, balse kubad uu soo laalay Diaz oo uu madaxa ku dhaliyay ciyaaryahan Bryan Ruiz ayaa Costa Rica u suurta gelisay inay halk gool iyo waxba ay kaga badiyaan Taliyaaniga.

Ciyaaryahanka Taliyaaniga ee Mario Balotelli ayaa kooxdiisa ka khasaariyay fursad muhiim u ahayd si xataa ay barbardhac u galaan.

costa_ItlayCosta Rica ayaa hadda isku hubsatay inay u gudubtay weraagga 16-ka kooxdood, si ay u sii adkeysato loolankeeda ay ku raadineyso helidda koobka, waxaanay lix dhibcood ku hoggaaminayaa group-keeda.

Xulka England waxa xalay ka badiyey xulka Dalka Uruguay kulan ay xalay yeesheen, ka dib markii weerar yahanka Kooxda Liverpool, Luiz Suarez uu laba Gool ku hubsaday goolka Xulka Ingiriiska.

Xulalka Uruguay iyo Italy, ayaa ku loolami doona kaalinta 2aad ee Group-ka marka ay yeeshaan Kulankooda u dambeeya ee loogu gudbayo wareegga 16-ka.

SOMALILANDPOST.NET