Gudoomiye-Xigeenka Labaad ee Wakiillada oo Madaxdhaqameedka uga Digay in ay Wadahadalada Ka Qaybgalaan

Hargeysa(SLpost)-Shir-guddoonka golaha wakiilada ayaa madaxdhaqameedka Somaliland uga digay inay ka qayb galaan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo maalmaha warbaahinta ku jirtay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Dr Cali Yuusuf ayaa sheegay in wixii wada hadal ah ee lala galayo Somaliya ay xukuumaddu masuul uga noqonayso.

“Barlamaanku waxa uu ogalaaday in haddii shir lala yeelanayo Somaliya ay Xukuumaddu ugu wakiil noqoto, maalmahan waxa soo baxaya hogaamiyo dhaqameedyo leh Soomaaliya ayaanu la shiraynaa, taasina wax meesha ku jiira maaha, xeerna weynu ka dhigannay, waana sharci darro, waxa aan leeyahay hogaamiye dhaqameedadaas arintaas dib ha uga noqdaan, waayo hogaamiye dhaqameedadu waxa ay masuul ka yihiin beelahooda iyo beel kale oo ay jaar yihiin oo ay wax dhex maraan sidii loo nabadayn lahaa, balse arimaha siyaasada Dawlad iyo Xukuumad ayaa u qaabilsan”ayuu yidhi Cali Yuusuf oo u waramay wargayska Geeska-Afrika.

Guddoomiye-ku xigeenka labaad ee wakiilada Somaliland waxa uu sheegay in arintan Muqdisho laga wado oo lacago laga soo diray magaalada Muqdisho.

“Arimahan Muqdisho ayaa laga wadaa, wararka qaarkood waxa ay leeyihiin in halkan lacag loo soo diray, oo lagu kasbanayo Rag la leeyahay tushuush galiya Somaliland, waxa kale oo aynu la soconnaa inay imika wadaan sida 2016-ka ay Doorasho u qaban lahaayeen, heshiiskoodii hore waxa uu ahaa inay qabtaan Doorasho ah (one man one vote), hal qof iyo hal cod, markii ay ku fashilmeen ayey haddana la yimaaddeen sheekooyin ah Madax dhaqameed iyo Beelalha dib ha loo shiriyo”   ayuu yidhi Dr Cali Yuusuf.

Dr Cali Yuusuf,guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland waxa uu fariin u diray bulshada kala duwan ee Somaliland.

 “Bulshada waxa aan ugu baaqay inay wada hadaladaas been beenta ah ka soo horjeedsadaan, oo aanay maqlin sheekadaas, Somaliland 25-sanno ayey madax banaan tahay, madax banaanideedana wey ku faa’iiday meel ayey ku gaadhay, Ingiriiskana saddex degmo ayaa ictiraafay, inta aan ina ictiraafina sharaf weyn ayey inoo hayaan” ayuu yidhi Dr Cali Yuusuf.

Todobaadadan ayaa waxa soo baxay warar sheegay inuu Turkigu wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya u wareejinayo dhinaca madaxdhaqameedka kana wareejinayo dhanka siyaasiyiinta.