Hargeisa (SLpost) Gudoomiye ku Xigeenka kowaada Xisbiga mucaarad ah ee WADANI Ahmed Muum’in Seed maanta shir-jaraa’iid ku qabtay xuranta dhexe xisbiga WADANI ee magalada hargeisa ayaa waxa uu sii kulul dhaliilay qaabka ay xukuumaddu u martay xidhista madax dhaqameed Somaliland xubin ka tirsan xisbiga oo ku tilmaamay wixii lagu riday dawladii la odhan jiray Somalia.
Gudoomiye ku Xigeenka Kowaada e Xisbiga Mucaarad ah e WADANI oo luuqada adag kula hadalay xukuumadda madaxwayne Siilaayo waxa uu yidhi“Xukumadda maanta jirta madaxwyne siilaayo madaxwaynaha ka yahay waxay bar yahan dambe maalmaahan u dambeyey la soo baxaday inay xadhig kula kacaday dadka biri magadad ah oday dhaqameedka sidaad hor u ogaydeen maalin dhawaynte waxa la Xidhay Gudoomiyihii ku xigeenkii Talo iyo Towfiiq ee beesha galbeed ka burco Sidaad maanta wark ku haysaan hada waxa xidhan Hassan Ahmed Muuse (Hassan godood ) oo ah Xogahaya xanaanadda Xoolaha Xisbiga WADANI intaasi marka dhinaca loo eego waxay ka soo wda jeeda beel kaliye beesha degta Galbeedka Gobalka Togdheer Burco beelaha degan dalkeena hooyo ee Somaliland “
Gudoomiye ku xigeenka 1aad xisbiga mucaarad ah WADANI Ahmed Muum’in Seed wuxuu si adag u cambaareyey siday u shaqeeyo ciidamada amaanka iyo cida maamusha waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay tasi waa nasiib daro xukuumaddana waxay ku tahay ceeb qaranimada Somaliland waxay ku tahay ceeb oday Dhaqameed Siyaasinta beel qofka ka soo wada jeedo kaliy dawladda ka dhigto taargad waxaan uga baaqaynaa Xukuumadd Somaliland waxaan ugu baaqaynaa inay sii deg deg ah uu siiso xoriyadiisu Xogahay Xanaanadda Xoolaha xisbiga mucaaradka ah WADANI oo habeen hore gurigiisa lagala baxay taasi markaad la xidhiidho ciidamada amniga wasiirka arimah gudaha cidkastao oo aad la xiidhiidho markaad waydiiso xadhiga waxa ka waydiiso nin walba waxba kama ogin marka qof la soo xidho ciidamada amnigu yidhahadaad waxba kama ogin wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Mohamed Waran -cade wa ayo cida wadanka ka taliso cida wax soo xidhaysaa waa Su’aal aad laysku Waydiyo waxaan Xukumaddan u Sheegaynaaa Qaranimada Somaliland dhib badan loo soo maray Xukumaadan Waxaa looga fadhiyaa inay midayso shacabka Somaliland inay ka dayso cag juglaynta iyo ciidamada imika xukuumadu la soo baxaday waxay tasi ku tusaysa inay tahay tii ay ku baaba’aday qarankii la odhan jiray Somaliya” ayuu yidhi
Gudoomiye Mudane ,seed oo hadalka sii wada waxauu yidhi “ Shaqsi guri lagala baxo shaqsi la xidho iyo oday dhaqameed la soo xidho waxaasi wax karaam leh keenasya aanay jirin cidii laakiin ku kafto qaranimada iyo dawlada meel kag dhacad xaqbay uu leedahay dawladu inay soo xidho laakiin oday dhaqameedka siyaasiinta lagu xidho habel bay meel ka so wada jeedaan waa nasiib daro weeyaan waxaan Xukuumada ugu baaqaynaa inay sii deg-deg ah xoriyadiisa ugu soo celiso Hassan Ahmed muuse(Hassan godaad) Xogahaya xanaanadda Xoolaha Xisbiga Mucaarad ah ee WADANI arinta aad iyo aad ayaan uga xunahay waxaan leenahay xukuumadda si deg- deg ah ha uu siiso Xoriyada “ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka kowaad xisbiga mucaaradka ah WADANI .Mudane .Ahmed muum’in seed.
Hadalka Gudoomiyah ayaa ku soo beegmaya Xili ay Dhawaan ayey ahayd markii todobaadkan ay xidhay xukuumaddu madaxdhaqameedkii Talo iyo Towfiiq ee Beesha Degta Galbeedka magalada Burco oo si wayn uga Shacabku cadhoodeen qaabka loo maray xidhistoodo ciidamada amnigu kala baxeen hotelkii ay deganaayeen ee bariga magalada.
somalilandpost.net
s