Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Dhiggiisa  Somaliland

 

 

Nairobi(SLpost) — Gudoomiyaha maxkamada sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay gudoomiyaha maxkamada sare iyo ta Dastuuriga ah ahna guddoomiyaha gudidda cadaaladda ee Jamhuuriyada Somaliland Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed oo Safar shaqo ku jooga magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

 

Gudoomiyaha maxkamada sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga waxa uu dastuurka dalka Kenya  hadyad u siiyay gudoomiyaha maxkamada sare Jamhuuriyada Somaliland Markii uu soo booqday.

 

Prof. Adam ayaa  Gudoomiyaha Maxkada  Sare ee Kenya si weyn ugala sheekaystay iskaashi dhexmara iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hor marsan.

 

 

Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa intii uu joogay Kenya  ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa “Shuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharci  ku dhisan  iyo   maamulka  ku dhisan hanaanka Axsaabta badan ee Qaarada Africa.

 

 

Somalilandpost Office, 2015