Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland oo Jigjiga u Tagay Casuumad uu u Fidiyey Madaxweynaha Kililka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Jigjiga (SLpost)-Gudomiyaha barlamaanka Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) oo maalmihii u danbeeyayba safar ku joogay dalka Ethiopia ayaa maanta si baladhan loogu soo dhaweeyay Magaladda Jigjiga ee xarunta Kililka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.12358363_1160683013961777_1116997662_n

Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi ayaa waxa Garoonka Diyaaraddaha magaalada Jigjiga ku soo dhaweeyay madaxwayne ku xigeenka dawlad deegaanka soomalida Ethiopia Mowliid Xayir ahna wasiirka waxbarashada, madaxwayne ku xigeenka dawlad deegankaasi Cabdicasiis Maxamed Cabdi ahna Madaxa xafiiska xisbiga Waxaannay gaba-gabadii gudoomiyaha u galbiyeen aqalka martida ee Jigjiga oo uu gudoomiyuhu ku sugnaan doono inta joogo magaalada Jigjiga,12366514_1160685877294824_1449021872_n

Socdaalkani uu gudoomiye Cirro ku yimi magaalada Jigjiga ayaa waxa ku Wehelinaya Mujaahid Axmed Cumer Xamarji oo ka mid ah madaxda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani,

Safarkani uu Gudoomiyaha baarlamanka Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi Cirro ku tagay magaalada Jigjiga ayaa ujeedadiisu daaran tahay marti-qaad rasmi ah oo uu madaxwaynaha dawlad deegaanka soomalida Ethiopia u fidiyay.

12366534_1160685957294816_1762467007_n

Ugu dambayntii safarkan gudoomiye Cirro ku tagay Jigjiga ayaa ku Soo beegmaya wakhti uu dhawaan gudoomiye Cirro ka qayb-galay xuska qowmiyaddaha Ethiopia oo ka Dhacay kililka Gambeelaha.

Somalilandpost.net

Jigjiga, Ethiopia