Gudida Difaaca Qaranka iyo Arimaha Gudaha oo Suaalo Waydiiyay Taliyaha Booliska Somaliland

Hargeysa(SLpost)-Gudida difaaca qaranka iyo arimaha gudaha ee golaha wakiilada Somaliland ayaa kulan suaalo lagu waydiinaayay la qaatay taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Kulankan ayaa ahaa mid albaabadu ay u xidhnaayeen oo warbaahintu a dibada ka joogtay waxase ay taliyaha iyo gudidu warbaahinta wada jir ugu sheegeen inay arimaha amaanka ka wada wada hadlayeen iyada oo ay wali sii socdaan dilalka ciidamada kala duwan ee booliska iyo militariguba ay ku beegsanayaan taliyayaashooda.

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ah gudoomiye xigeenka gudidaas ayaa warbaahinta si kooban waxa uu ugu sheegay sidan “Waxaanu u yeedhnay taliyaha booliska Somaliland oo aanu wax ka waydiinaya arimaha nabadgalyada dalka, arintaas oo ka dhalatay socdaal ay gobalada dalka ku soo martay gudidu.”

Sida oo Kale taliyaha ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal ayaa isaguna si kooban warbaahinta ugu yidhi”Gudida ayaa iiyeedhay waxaanay wax iga waydiiyeen xaalada guud ee dalka oo meel wanaagsan maraysa, inahaas ayaanu iska waraysanay si fiicana waanu isku fahanay.”

Inkasta oo warbaahinta si kooban uga warameen labada dhinac hadana waxa warar hoose ay sheegayaan in taliyaha ciidanka booliska ay wax ka waydiiyeen arimo la xidhiidha toogashadii ugu danbaysay ee askarigu u gaystay taliyahii birmadka ee magaaladda Barbera, waxaanu kulankani dhacayaa iyada oo aan wali xal loo helin isla markaasna aan la soo bandhigin sababta askartu ay u tooganayaan taliyayaashooda arintan oo ah mid shantii sano ee ugu danbaysay Somaliland ku soo noqnoqonaysay, madaxweyne Siilaanyona mudo hore uu u saaray gudi.