Gudida Cadaalada iyo Garsoorka Oo Sameeyay Isku Shaandhayn

Hargeysa – (SLpost) – Guddida Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland ayaa maanta sameeyey isku shaandhayn ballaadhan, waxaanay magacaabis, xilka qaadis iyo isku badal ku sameeyey qaar ka mid ah Garsoorayaasha iyo Xeer-Ilaaliyayaasha Qaranka ee goboladda Awdal, Togdheer, Sanaag, Sool, Saaxil iyo Maroodi-jeex.

Go’aankan isku shaandhaynta ah ee ka soo baxay Guddida Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Wasaarada Caddaalada oo leh baahinta go’aannada ka soo baxa Guddida Caddaala ayaa u dhignaa sidan;

“Guddidu waxay go’aamiyeen isbadal garsoorayaal iyo xeer ilaaliyayaal:

Sahal Cabdilaahi Xirsi waxaa laga badalay Gudoomiyaha Racfaanka ee gobolka Awdal waxaan loo badalay garsoore heer racfaan oo fadhigiisu yahay gobolka salal.

Cabdiraxmaan Rooble Barre waxaa laga badalay gudoomiyaha maxkmadda gobolka Awdal waxaana loo badalay garsoore maxkamadda racfaanka gobolka Awdal.

Maxamed Siciid Saaweer waxaa laga badalay gudoomiyaha maxkamadda degmadda Boorama waxaana loo badalay garsoore maxkamadda racfaanka gobolka Awdal.

Axmed Xasan Askar waxaa laga badalay garsoore maxkamadda gobolka Sanaag waxaana loo badalay garsoore maxkamadda degmadda Caynabo.

Siciid Cabdilaahi Xuseen waxa laga badalay Garsoore Maxkamadda Gobolka Togdheer waxaana loo badalay garsoore maxkamadda degmadda Salaxlay.

Cabdi Haybe Cilmi waxaa waxa laga badalay Xafiiska ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Awdal waxaana loo badalay Xafiiska Ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex.

Aadan Axmed Muuse waxaa laga badalay xafiiska ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaana loo badalay xafiiska ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha guud ee gobolka Awdal.

Cali siciid Jaamac waxaa laga badalay maxkamadda degmadda Ceerigaabo waxaana loo badalay garsoore maxkamadda degmadda Daad-madheedh.

Qodobka 2-aad: Magacaabid Gudoomiyayaal iyo Garsoorayaal

Idiris Faarax Muuse waxaa laga badalay Garsoore Maxkamadda Gobolka Awdal, waxaana loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Awdal.

Aadan Cabdilaahi Cali waxaa laga badalay Garsoore Maxkamadda Gobolka Awdal, waxaana loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda degmadda Boorama.

Maxamed Jibriil Cilmi waxaa laga badalay Garsoore Maxkamadda Gobolka Awdal, waxaana loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Awdal.

Xuseen Axmed Cabdiraxmaan waxaa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda Gobolka Sanaag.

Saleebaan Cumar Ciise waxaa loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda degmadda Burco.

Muuse Aamin Ciise waxaa loo magacaabay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Awdal.

Maxamed Xasan Axmed waxaa loo magacaabay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Sool.

Qodobka 3-aad: Waa Digniin Kama Dambaysa ah

Aadan Maxamed Muuse waxaa la siiyey digniin kama dambaysa.

Cali Siciid Jaamac waxaa la siiyey digniin kama dambaysa.

Siciid Cabdilaahi Xuseen waxaa la siiyey digniin kama dambaysa.

Qodobka 4-aad: Guddida Cadaaladdu waxa ay go’aamisay in Garsoore Ku-xigeen Xeer Ilaaliye iyo Diwaan-galiyaha iyo diwaan-haye iyo kaaliye shaqadda laga saaray dib loogu soo celin karo shaqadda garsoorka.

Qodobka 5-aad: Ansixin magacaabis Gudoomiye iyo Garsoore maxkamadda Sheekh

Axmed Cali Jaamac waxaa loo magacaabay gudoomiyaha Maxkamadda degmaddda Sheekh.

Cabdilaahi Cismaan Xuseen waxaa loo magacabay Garsoore maxkamadda degmadda Sheekh.

Qodobka 6-aad:

Farax Khadar Nuur waxaa laga badalay xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaan loo badalay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Awdal.

Mumtaha Maxamud Ibraahin waxa laga badalay xafiisak xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaan loo badalay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee degmadda Gabiley.

Gudoon Axmed Maxamud waxaa laga badalay xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaan loo badalay ku-xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Togdheer.

Saahida Cali Jaamac waxaa loo daayey xarunta xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Qodobka 7-aad: Shaqo Ka Saari

Najma Cumar Jaamac waxay ahayd ku-xigeenka xeer Ilaaliye guud waxaana laga qaaday shaqadii ay qaranka u haysay ka dib markii ay shaqadda ka soo xaadiri wayday.

War-saxaafadeedkan waxaa ku saxeexnaa Axmed Faarax Caddare Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.