Guddoomiyihii hore ee Degmada Ibraahim Koodbuur Oo Xilka Ku Wareejiyey Maamul Cusub Oo Degmada loo Magacaabay

Guddoomiyihi hore ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, Maxamed Salaan Maxamed (Subeer) ayaa maanta xilka ku wareejiyey Guddoomiyaha Cusub ee degmada Mustafe Ibraahim Aadan (Mustafe Xayle) oo xilka loo magacaabay.

Maayirka Caasimadda Hargeysa, ayaa toddobaadkan isku shaandheyn ku sameeyey Guddoomiyeyaasha degmooyinka Caasimadda iyo xilalka masuuliyiinta sare ee Dowladda Hoose, kuwaas oo isku beddel, dallacsiin iyo shaqo-ka-fadhiisin lagu sameeyey.

Guddoomiyihii hore ee degmada Ibraahim Koodbuur Maxamed Salaan Maxamed (Subeer), ayaa loo dallacsiiyey Xilka Agaasimaha Cashuuraha ee Dowladda Hoose halka Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Ibraahim Koodbuur uu hore u ahaa Guddoomiyaha Degmada 31-ka May Oo laga soo beddelay.

Guddoomiyihii hore ee degmada Ibraahim Koodbuur ayaa maanta xilka ku wareejiyey munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay xarunta maamulka degmada Ibraahim Koodbuur, waxaana ka qayb-galay Xildhibaanno, Guddiga horumarinta degmada, madax-dhaqameed, Ganacsato, Haween iyo Marti-sharaf kala duwan.

Xubno ka mid ah Guddiga Horumarinta Degmada Ibraahim Koondbuur, ayaa Guddoomiyihii hore ku ammaanay inuu horumar iyo wax-qabad taaban karo oo ku tallaabsaday muddo laba sanno ah oo uu hayey xilka guddoomiyaha Degmada Ibraahim Koodbuur. Waxa kale oo ay guddoomiyihii hore ku bogaadiyeen isku-xidh iyo wax-wada-qabsi ay sheegeen inuu u horseeday bulshada ku dhaqan degmada Ibraahim Koodbuur, waxaanay ku sagootiyeen duco iyo niyad-samaan.

Guddoomiyihii hore ee Maxamed Salaan Subeer oo munaasibadda ka hadlay, ayaa guddiga horumarinta, Shaqaalaha Dowladda Hoose iyo bulshada ku dhaqan degmada Ibraahim Koodbuur uga mahad-celiyey sida ay ula shaqeeyeen muddadii uu xilka hayey, waxaanu ku booriyey inay soo dhaweeyaan, si wanaagsanna ula shaqeeyaan maamulka Cusub ee degmada loo magacaabay.

Mr Subeer oo hore u soo noqday guddoomiyaha Degmada Gacan-libaax ka hor intii aan loo magacaabin degmada uu xilkeeda maanta wareejiyey, waxa uu maayrika caasimadda uga mahad-celiyey inuu mar kale u magacaabo xil muhiim u ah horumarinta adeegyada ay Dowladda Hoose ee Hargeysa u hayso bulshada.

Guddoomiyaha Cusub ee degmada Ibraahim Koodbuur Mustafe Ibraahim Aadan (Mustafe Xayle), ayaa ballan-qaaday inuu halkaas ka sii amba-qaadi doono wax-qabadka maamulkii ka horreeyey, waxaanu guddiga horumarinta iyo bulshada ku dhaqan degmada ka codsaday wada-shaqayn hufan

Gebo-gabadii, Maamulkii hore ee degmada Ibraahim Koodbuur, waxa uu si rasmi xilka ugu horreeyey maamulka Cusub ee degmada.