Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI & KULMIYE iyo Wasiirro Ku Qalin-jabiyey Xarunta Midowga Afrika (DAAWO SAWIRRO)

Addis Ababa (SLpost)- Tiro ka badan 58 Arday oo ay ku jiraan Guddoomiyeyaasha Xisbiga Waddani iyo Kulmiye oo ay weheliyaan wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo sannadihii u dambeeyey wax ka baranayey Jaamacadda New Generation Faraceeda Hargeysa, ayaa maanta munaasibad Qalin-jabin ah loogu qabtay Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha Faysal Cali Sheekh, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul.

DSC_0127 DSC_0146 DSC_0460 DSC_0448 2122 555 333 121