Guddoomiye oo ka jawaabay Sababta uu ku diiddan yahay Muddo-kordhin Isaga oo muddo-kordhin Shan sanno ah ku fadhiya

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ah hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ku margaday jawaabta Su’aal laga weydiiyey sababta uu uga soo horjeedo muddo-kordhin loo sameeyo Xukuummadda Madaxweyne Siilaanyo maadaama oo isaga oo guddoomiyaha Golaha Wakiiillada ah uu wakhtigan ku fadhiyo Muddo-kordhin shan sannadood ah oo loogu kordhiyey muddo-xileedkii Shanta sanno ah ahaa ee Golaha Wakiillada lagu doortay sannadkii 2005-tii.

ciroGuddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo si gaar ah ugu warramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da Khamiistii shalay, waxa uu masuuliyadda dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka dusha ka saaray xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu ku eedeeyey inay dayac-day fulinta waajibaadkii ka saarnaa dhammaystirka hawlaha diyaar-garowga Doorashooyinka oo ay ugu horeyso Diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaanu guddoomiye Cirro Aaminsan yahay isla markaana ku adkaystay inaanu oggolayn muddo-kordhin loo sameeyo Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, isla markaana uu dhiirri-gelinayo in la kala diro Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada marka ay gaadho 26 June 2015 oo ku muddeysan wakhtiga doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada loo cayimay.

Sidoo kale, Guddoomiye Cirro oo la weydiiyey inuu iska casilayo xilka Afhayeenka Baarlamaanka Somaliland, waxa uu su’aashaas jawaab uga dhigay shuruud ku xidhan in madaxweyne Siilaanyo digreeto ku muddeeyo wakhtiga la qabanayo doorashooyinka.

Halkan ka dhegayso Waraysigan oo dhammaystiran