Guddoomiye Muuse Biixi oo Madaxweynaha Jabuuti ku bogaadiyey Horumarka uu Dalkiisa iyo Dadkiisa Gaadhsiiyey

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey horumarka uu gaadhsiiyey dalkiisa iyo dadkiisa oo uu ku sifeeyey inuu ku-dayasho mudan yahay.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu madaxweynaha iyo Dawladda Jabuuti ku ammaanay kaalinta muuqata ee ay ka qaataan sidii loo heli lahaa deggenaansho iyo nabad ka tis-qaadda mandaqadda Geeska Afrika.

muuserMd Muuse Biixi, waxa uu sidaas ku sheegay war-saxaafadeed dhambaal hambalyo ah oo uu shacabka iyo Dawladda Jabuuti ugu diray Dabbaal-degga xuska 37aad ee maalinta Xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ee ay iska kiciyeen gumaystihii Faransiiska oo ku beegnayd 27-ka June, 1977-kii

Dhambaalka hambalyada ah ee Guddoomiyuhu u diray shacabka iyo dawladda Jabuuti, ayaa u qornaa sidan: “Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dawlada Djibouti iyo shacabkeeda xuska sanad guurada 37aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimadda ka qaateen gumaystihii Faransiiska (France).

Gudoomiye muuse Biixi Cabdi waxa uu ku bogaadinaya Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele iyo Xukuumadiisaba horumarka baaxada leh ee ay dalkiisa iyo dadkoodaba gaadhsiiyeen oo ah mid mudan in lagu daydo iyo door ka ay dawladda Djibouti ka qaadato dadaalada nabada iyo xasilooni waarta oo guud ahaan ka hir gasha mandaqada geeska Africa lagu baadi goobayo.

Gudoomiyaha Kulmiye wuxuu Dhiirigalinayaa xidhiidhka walaaltinimada iyo saaxiibtinimada qotada dheer leh ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Djibouti.

Gabagabadii wuxuu Gudoomiye Biixi mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Djibouti xornimada iyo horumarka 37 jirsaday ee ay ku naaloonayaan maanta, isagoo u rajaynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

SOMALILANDPOST.NET