Guddoomiye Muuse Biixi oo ka badheedhay Saami-qaybsiga Mudaneyaasha Golaha Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ahna Murashaxa madaxweynaha ee xisbigaas Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay adkaanayso heshiis laga gaadho saami-qaybsiga dhinaca bulshda ee xubnaha mudaneyaasha golaha Wakiillada ka hor inta aan la gaadhin doorashooyinka la filayo sannadka dambe inay dalka ka qabsoonto.

Daawo”Doorashadu wakhtigeedii ayay ku qabsoomaysaa laakiin waa inaan xooga isugu gaynaa xaalada abaaraha” Muuse BiixiMd Muuse Biixi waxa arrintan kaga hadlay kulan maanta madaxtooyada ku dhex-maray madaxweynaha Somaliland iyo Ururrada bulshada Rayidka ah, kaas oo lagaga hadlay doorashooyinka soo socda.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye fadhigaas ka hadlaym ayaa rayi ka soo jeediyey qodobka ku saabsan doorashada ee maalmahan jira ahna mid adag kaas oo ah sami qaybsiga golaha wakiilada, oo ay ururada bulshadu ku so dareen warbixintooda soona jeediyeen in talo qaran laga gaadho doorashada ka hor, waxaanu markuu arrintaa ka hadlaayey gudoomiyuhu yidhi, “Anigu waxan odhan lahaa in saami qaybsiga golaha wakiilada in golaha wakiilada isaga uuni uu go’aanka qaato waxay ka maaransiin waydo. Si kale oo dhan waxa u arkaa in lagu heshiiyaa saami qaybsigaasi inay adkaanayso, wakhtigeediina aan la joogin,” sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi, sida lagu sheegay warsaxaafadeed madaxtooyada ka soo baxay.