DHEGAYSO: Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Kulmiye oo Markii u horreysay dhaliilo Kul-kulul Afka ugula Kala-baxay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa

cabdiraxmaan-300x225Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye Ku xigeenkii  hore ee xisbiga KULMIYE  Cabdiraxmaan Cabdiqaadir  ayaa Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku eedeeyay inuu yahay abaal laawe aan geyin inuu mar dambe taageero iyo cod ka helo shacbiga Somaliland.

Cabdiraaxmaan Cabdiqaadir oo maanta ka hadlayey munaasibad xisbiga UCID ku soo dhaweeyey taageerayaal hore uga  tirsanaan jiray  Ururadii UMMADDA, DALSAN iyo xisbul xaakimka KULMIYE, ayaa madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddii u jeediyey dhaliilihii ugu cuslaa ee afka ula kala baxo tan iyo wixii ka dambeeyey Ololihii Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye xilka kaga qaadeen badhtamaha sannadkii 2012-dii shir loo qabtay Golaha Dhexe ee Xisbigaas.

DHEGAYSO