Guddoomiye ku-xigeenka Wakiillada oo faahfaahiyey Shirweyne ay kaga Qayb-galeen Uganda, kana hadlay tabashada Saami-qaybsiga Awdal

Hargeysa (SLpost)- Gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxa gelinkii dambe ee maanta ka soo degay Wefti ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo dalka Uganda kaga qayb-galay shir-sannadeed Ururka Baarlamaannada Dalalka Baarwaaqo Sooranka oo lagu marti-qaaday Somaliland.

Weftiga oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo uu hoggaaminayey Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaas Md Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxaanay magaalada Kampala ee caasimadda Yuganda kaga Qayb-galeen Shir-sannadeed ay isugu yimaaddaan Baarlamaannada waddamada Barwaaqo-sooranka oo ah Urur ay ku midaysan yihiin dalalkii uu guumaysan jiray Boqortooyada Ingiriisku.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaas Md Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey wixii Qaran ahaan uga soo qabsoomay shirka ay ka qayb-galeen oo lagu marti-qaaday.
Sidoo kale, Guddoomiye Axmed-Yaasiin waxa uu ka hadlay tabashooyinka dhinaca saami-qaybsiga gobolka Awdal oo xildhibaanku ka soo jeedo.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose