Guddoomiye ku-xigeenka Cusub Ee Baanka Dhexe ee Somaliland oo Xilka la Wareegay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee dhawaan loo magacaabay Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa maanta xilka kala wareegay Guddoomiye ku-xigeenkii hore Cabdiraxaan Sheekh Xasan Ismaaciil.

Munaasibadda xil-wareejinta labada masuul oo ku qabsoontay xarunta Baanka Dhexe, wsxa ka qayb-galay Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe, Agaadimaha Komishanka Maamul-wanaagga, masuuliyiin ka socday hay’adaha maaliyadda Madaxa-bannaan ee wada-shaqayntu ka dhaxayso Baanka Dhexe, madax-waaxeedyada Iyo shaqaalaha Baanka Dhexe ee Somaliland.

Guddoomiyaha ururka sarrifleyaasha, guddoomiyaha ururka Bangiyada Gaarka loo leeyahay iyo xubin ku hadlay magaca shaqaalaha Baanka dhexe oo munaasibadda ka hadlay, ayaa shaqo-wanaag iyo xil-kasnimo ku majeertay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baanka Dhexe Cabdiraxnaan Sheekh Xasan Ismaaciil oo ay sheegeen inuu wax weyn ku soo kordhiyey horumarka Baanka Dhexe. Waxaanay gacmo-furan ku soo dhaweeyeen guddoomiye ku-xigeenka cusub oo u ballan-qaadeen wada-shaqayn hufan iyo daaxadnimo.

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Maxamed Qaasim Xuseen, ayaa shaqsi qiimo leh oo Baanka Dhexe tabi doono ku tilmaamay Guddoomiye ku-xigeenkii hore Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil oo uu sheegay inuu wax badan ku soo kordhiyey, muddo kooban oo uu xilka Agaasimaha Guud hayayna uu uga markhaati-kacayo karti, shaqo-wanaagsan iyo dabeecad wanaagsan. Waxaanu agaasimaha Guud soo dhaweeyey Guddoomiye ku-xigeenka cusub oo uu dardaaran u jeediyey.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, ayaa war-bixiyey hawl-qabadyadii Baanka Dhexe u qabsoomay muddadii uu joogay, waxaanu u mahad-celiyey madaxda iyo hawl-wadeennada Baanka Dhexe oo uu ku ammaanay shaqada ay qaranka u hayaan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan wuxuu si gaar ah ugu mahad-celiyey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay muddo dhowr sanno ah soo wada shaqeeyeen tiraba dhowr xil oo uu xukuumaddiisa ka qabtay.

Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo gebogabadii munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa soo bandhigay qorsheyaasha waaxqabad ee uu damacsan yahay inuu kaga qayb-qaato hawlaha qaran ee Baanka Dhexe.

Ugu dambayn, labada masuul ayaa halkaas si rasmi ah xilka ula kala wareegay.

Guddoomiye xigeenkii hore ee Baanka Dhexe Cabdiraxaan Sheekh Xasan Ismaaciil oo xilkan hayay laga soo bilaabo bishii October 2021-kii, waxa uu hore u soo qabtay xilalka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda iyo Cadaaladda oo isaga kala dambeeyey, isagoo ka mid noqday masuuliyiintii u horeeyey ee shaqada la bilaaba madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sannadkii 2018-kii kaddib guushii doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga Kuĺmiye November 2017-kii.

Hadalladii laga jeediyey munaasinadda kaga bogo muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net