Guddoomiye Faysal oo Fashiliyey Sababta Ka Dambaysa Xadhigga Aqoonyahan Reer Awdal Oo Sirdoonka Somalia xalay Gurigiisa Kala Baxay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay xadhig Dowladda Somalia kula kacday muwaadiniin ku sugan Magaalada Muqdisho.

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu si gaar ah uga hadlay Muwaadin dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Awdal oo hay’adda Sirdoonka Somalia ee NISA habeenimadii xalay kala baxeen guri uu ka deggan yahay Magaalada Muqdisho.

Muwaadinkan u dhashay Somaliland oo lagu magacaabo Mubaarik Nuur Cali ayaa ka mid ah saraakiisha sar-sare ee hay’adda Duulimaadyada Soomaaliya, waxaanu ka mid noqday tobanaan qof oo u dhashay Somaliland oo Dowladda Soomaaliya ku eedaysay dilkii loo geystay Eng Cabdinaasir Muuse Dahable oo u shaqaynayey Hay’adda Duulimaadyada ee Soomaaliya.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo qoraal uu arrintan kaga hadlay maanta ku baahiyey bartiisa X, waxa uu ka digay qorshe Dowladda Soomaaliya ku marin-habaabinayso Dilka loo geystay Eng Cabdinaasir Dahable oo la rumaysan yahay inay dilkiisa ka dambaysay hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dooday inay Soomaaliya qorshaynayso sidii ay dilka marxuumka dusha uga saari lahayd qaar ka mid ah muwaadiniinta Somaliland ee la xidh-xidhay, kuwaas oo uu ka mid yahay Sarkaalka xalay Gurigiisa lagala baxay.

“Digniin Culus, Waxa ay wadaan reer Mogadishu waanu oganahay. Waxay is leeyiyiin iska hor keena reer Gabiley Iyo reer Borama,” sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.
“Waxay waadaan in ay yidhaahdaan inamada wada dhashay Ee saxiibbada ahaa Ee wada shaqaynayey ayaa dhexdooda is dilay. Annagu waan garanina cida dishay,” sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Allah ha u naxariistee Eng Cabdinaasir Muuse Dahable oo 18-kii Bishan lagu dilay Muqdisho, ayaa shalay gelinkii hore medkiisa la keenay Hargeysa, waxaana Axaddii maanta aas Qaran oo madaxda dowladdu ka qayb-gashay loogu sameeyey Magaalada Gabiley.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net