Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Shahaado-Sharaf Guddoonsiiyey Maayarka Berbera oo Khilaaf Sharci Dhexmaray

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa shahaado-sharaf guddoonsiiyey maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin oo ka soo baxay xisbiga UCID doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee sannadkii 2012-kii.

Haseyeeshee, Maayar Ciddin ayaa markii uu xilkaas hayey muddo yar kadddib, waxa uu ku biiray Xisbiga talada dalka Haya ee Kulmiye, iyadoo la sheego in sababta go’aankaas ku kalliftay ahayd sidii uu xilkiisa u ilaashan lahaa, kursiga ugu sii fadhiyi lahaa qaatay si ay isula jaan-qaadaan siyaasadda Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa Xilligaas maayarka Berbera ku dhaliilay go’aanka uu kaga baxay xisbigiisa uguna biiray Xisbiga Kulmiye, isagoo guddoomiye Faysal ku dooday in Xisbiga UCID iska leeyahay Booska uu ku fadhiyo maayar Ciddin sidaas awgeed uu booska u banneeyo Xisbiga, hadalkaas oo sii kala fogeeyey labada dhinac, Illaa wakhtigaas Iskuma san-bannaanayn guddoomiyaha iyo Maayarku.

Haddaba, Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ay weheliyeen Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee XIsbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan ayaa maayarka Berbera ku booqday xafiiskiisa, waxaana halkaas lagu gudoonsiiyey shahaado-sharaf xisbigu ku sheegay inay ku caddeynayaan wax-qabad muuqda oo maayarku ka sameeyey magaalada.

Muuqaalka Hoose ka daawo Jewiga Munaasibaddii abaalmarinta Lagu guddoonsiiyey Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera