Guddoomiye Cirro Oo Shacabweynaha Somaliland Ugu Bogaadiyey Bilashada Sanadka Cusub

 

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Ahn Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI  C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,isagoo ku haddlaya Magaciisa ka Shir- Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Ka Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI, wuxuu hambalyo Iyo Duco U Dirayaa  Dhamaanba Shacabka weynaha reer Somaliland Meelkasto oo ay Joogaan iyo Guud ahaanba shucuubta islaamka,munaasaba sanadka cusub ee Hijriga Awgeed 1437, taas oo ku beegan arbacada Bari 14.10.2015

 

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaa uu Illaahay uga baryeyaa umada reer Somaliland  iyo guud ahaanba shucuubta kala duwan ee islaamka inay  sanadkan, sanadkiisa  ku gaadhaan bash bash, barwaaqo iyo nabad qab. Isaga oo sida oo kalena Illaahay uga baryey guud ahaanba inta xanuunsanaysa in uu xanuunka ka dulqaado, intii dhimatayna uu u naxariisto oo janatul Fardawsa uu ka waraabiyo.

 

Waxaana uu guddoomiye Ciro uu leeyahay hambalyo hambalyo Alleh sanadkan sanadkiisa nabad iyo caafimaad qab, cimri dherer & cibaado suuban, ha hanagu gaadhsiiyo .

Aamiin Aamin Aamin

 

 

Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,

Xoghayaha War-faafinta Xisbiga WADDANI

Mujaahid Boobe Yusuf Ducaale