Guddoomiye Cirro oo ku hanjabay Tallaabo u Diyaar ah oo ay qaadayaan haddii doorashooyinku wakhtigooda ka baaqdaan

“Siyaasadda Xisbiga Waddani waxa weeyi inaan maalin lagu darin Doorashada, haddii doorasho la qaban-waayo tallaabooyinkii ku xigay waa noo diyaar”

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ku hanjabay inay Xisbi ahaan diyaariyeen tallaabada ay kaga jawaabayaan haddii doorashooyinka dib-u-dhac ku yimaaddaan oo xukuumaddu muddo-kordhin uu sheegay inay qorshaynayso kaga dhabayso.

Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay inay Beesha Caalamka fasiraad mug leh ka siiso Mawqifka iyo qadiyadda  MadaxbannaanideedaGuddoomiyaha oo maanta khudbad ka jeediyey munaasibad taageerayaal xisbul-xaakimka Kulmiye ka diga-rogtay oo xisbiga ku soo biiray loogu sameeyey hotel Crown ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay eedaymo xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ugu jeediyeen inuu beddelay Xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee loo gudbiyey Golaha Guurtida.

“Baryahan dambe waxaad saxaafadda ka arkayseen eedayn laysoo jeedinayo gaar ahaan guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Waxaan shacbiga u xaqiijinayaa eedayntaasi inaanay ahayn mid jirta. Guddoomiyaha Goluhu xeerarka ma qoro, goluhu wuxuu leeyahay waaxyo gaar ah oo hawshaa u qaabilsan, xeerarkuna waxay maraan jaran-jarooyin iyo nidaam, sidii xeerarkii hore u mari jireen, kan hadda muranka la galiyeyna, jaran-jarada saxda ah ayuu mari doonaa, labada gole-ba wuu mari doonaa, haddana wuxuu la yaalaa golaha Guurtida. Waxaan rejaynaynaa, markay ka soo gutaan waajibaadkooda, in Golaha wakiilladuna dhammaystiro. Waxaan niyadsami ugu sheegayaa shacbiga wixii arrimaha xeerarku iyaga oo maraya meeshooda saxa ah ay dhammaan doonaan haddii Illaahay ka dhigo,” ayuu yidhi Md Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka digay halista sumcadda Somaliland iyo xidhiidhkeeda dibadda ay ku keeni karto doorashada oo wakhtigeeda dib uga dhacda, waxaau mashruuc siyaaadeed oo muddo-kordhin lagu baadi-doonayo ku sheegay muranka iyo khilaafka ka taagan golaha Wakiillada.

“Waxaan Shacbiga u sheegayaa waxa laysku haystaa maaha Xeerkii, waa muddo-kordhin. Khilaafka ka dhex-socda Golaha Wakiilladu waa Muddo-kordhin. Shacbigu ma oggola muddo-kordhin, beesha caalamka annagaa ka nimi oo ma oggola muddo-kordhin. Dib-u-dhaca Somaliland iyo ictiraaf la’aanta waxa keeni doorashada oo la qaban-kari waayo iyo dib u dhac ku yimaaddo, waxaanay noqon doontaa doorashadaas la qaban kari waayaa in Somaliland dhaawac weyni ka soo gaadho, mujtamaca dawliga ah ee ay saaxiibbada la tahayna, saaxiibbo badan ku weydo.”

Siyaasadda Xisbiga Waddani waxa weeyi inaan maalin lagu darin Doorashada, haddii doorasho la qaban-waayo tallaabooyinkii ku xigay waa noo diyaar,” sidaas ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.