Guddoomiye Cirro oo Isu-soo-bax ugu Baaqay Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee Hargeysa

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Taageerayaasha Xisbigiisa ee Gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay Isniinta Berri isugu yimaaddaan Xarunta Xisbiga ee Hargeysa.

Guddoomiye Cirro oo Maanta Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in taageerayaashu marka ay isugu yimaaddaan xarunta Xisbiga loo sheegi doono Farriimo muhiim ah oo uu xusay in lagu bedbaadinayo Qaranka Somaliland.

“Waxaan u sheegayaa Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodi-jeex  inay Berri 8-da Subaxnimo isugu yimaaddaan Xarunta Xisbiga, si loogu sheego Farriimo muhiim ah oo Qarankan lagu bedbaadinayo,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Hadalka Guddoomiye Cirro Qaylo-dhaanta ugu Dirsaday Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee Maroodijeex