Guddoomiye Cirro Oo Isku-shaandheyn ku sameeyey Masuuliyiinta Xisbigiisa

cirroHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta isku shaan-dheyn iyo Magacaabis ku sameeyey masuuliyiinta xilalka ka haya xisbiga.

 

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga loo magacaabo Marwo Faadumo Siciid oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee Xisbiga, halka uu sidoo kale laba masuul oo kale u kala magacaabay Xoghayeyaasha Arrimaha Gudaha iyo Waxbarashada.

 

Muuqaalkan Hoose ka Daawo Faahfaahinta Warkan