Guddoomiye Cirro oo farriin Digniin iyo Boorrin ah u diray Xukuumadda iyo Shacabka

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi uga digay in ay Warbaahinta Madaxa-banaan ka qaaddo cashuuro iyo takaaliif aanu sharcigu jideynin.

Guddoomiye Cirro oo maanta warbaahinta kula Hadley magaalada Hargeysa ayaa waxaa kale oo uu shacabka Somaliland ugu baaqay Inay Isdiiwaangaliyaan si ay uga qaybqaataan doorashada fooda inagu soo haysa.