Guddoomiye Cirro oo eedaymo daba-furan u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inuu carqalad ku yahay qabsoomidda doorashooyinka iyo heshiis laga gaadho khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Xisbiyada.

Cabdiraxmaan Cirro oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, waxa uu ka hadlay muran xilligan ka taagan dhismaha Komishanka cusub ee doorashada, waxaanu ka warramay waxyaabaha ku kelifay inay hakiyaan xubintii ay Komiishanka cusub u soo xuleen, mowqifkooda la xidhiidha xubno loo tirinayo Xisbiga KULMIYE oo Madaxweynuhu u soo xulay Komiishanka cusub.

“27-kii July, 2019 waxay Shacabka Somaliland u ahayd Maalin Farxadeed, Waayo? Maalintaa waxa Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ay Asxaabta iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ay kala saxeexdeen, heshiiskaas oo ay ku dhexdhexaadiyeen Beesha Caalamku, Nuxurka heshiisku wuxuu ahaa in la soo afjaro murankii Komiishanka iyo Arrimaha doorashada oo socday muddo sannad iyo badh ah, waxaanu heshiisku ahaa in la dhiso Komiishan cusub, lana beddelo Komiishankii hore, Baarlamaankana la horgeeyo Mooshin Xubnaha Komiishanka ka dhigaya 9 xubnood,” Sidaas ayuu yidhi Md Cirro.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Shacabka waxa gashay Rejo weyn iyo Nayaayir in murankii Komiishanku dhamaaday, lana qaaday Dariiqii Doorashada, hase-yeeshee waxa Shacabku ka dheragsan yahay in Muuse uu Jid-gooyo u galay Mooshinkii, siduu awalba caanka ugu ahaa Jid-gooyooyinka, jid-gooyadaana uu ku dhintay Mooshinkii ku socday Baarlamaanku, isagoon gaadhin halkii uu ku socday, haddana Xisbiyada Qaranku iyagoo tixgelinaya in doorashooyinku qabsoomaan, waxay wada tashi dheer ka dib ogolaadeen inay doorashada ku galaan 7 Xubnood oo cusub oo komiishan ah.”

Hadalka Guddoomiyaha oo dhinacyo kala duwan taabanaya kaga bogo muuqaalka Hoose