Guddoomiye Cirro Oo Duco La Dultagay Xabaasha Madaxweynii Hore Ee Somaliland Cigaal

Berbera (Slpost) -Weftigii  Sama-wade ee uu hoggaaminayey Guddoomiye Cirro ee socdalka sama-wade lugtisii saddexaad ku maraayey gobolka Saaxil,ayaa saaka bookhasho ku tegay xabaashii Alle ha-unaxariitsee  madaweynihii hore ee Somaliland Marmuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaale,kaas oo ku aasan magaalada Barbera.

cirro

 Guddoomiye Cirro iyo weftigiisa ayaa  markii ay gaadheen xaabasha Alle –ha unaxariistee Marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji ibraahin “Cigaal”is dul-taagay uguna duceeyey si wajir  iyo waxid-ba leh ,iyagoo Alle ugu baryey inuu naxariistiisii jano uu  kaa waraabo Marxuumka .

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro oo halkaas ka haddlay, ayaa ka si kooban uga waramay taariikhda Marxuum “Cigaal”,waxaanu sheegay in uu marxuum Cigaal ahaa Alle –ha  u naxariistee madaxweynihii dhidibada u taagay Jamhuuriyada curdinka ah ee Somaliland,isagoo guddoomiye Cirro fadaxa u maray una duceeyey marxuumka inuu rabi janatu firdawsa ka wareeabiyo .