Guddoomiye Cirro oo Cisbitalka Weyn ee Hargeysa ku Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay

 

Hargeysa(Slpost):-Guddoomiyaha golaha  Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caawa fiidkii cisbitaalka weyn ee Hargeysa ku soo booqday dadkii ku dhaawacmay shilkii gaadhi ee ka dhacay duleedka magaalada Gabiley oo ay sida oo kale ku dhinteen 11 ruux oo rayid ah.

seeee

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu dadkii ku dhawacmey shilkan oo ay tiradoodu ahayd 9 ruux uu Illahay uga baryey in uu caafimaad taam ah siiyo isaga oo dhanka kale dadkii ku dhintey shilkan oo iyaguna ahaa 14 ruux alleh ugu baryey in uu  u naxariisto ehelkoodiina samir iyo imaan ka siiyo

Ugu danbeyntii Muddane Ciro ayaa waxaa uu xafiiskiisa ugu tagtey agaasimaha cisbitalka guud ee  Dr. askar waxaana u ka wareytay sida ay shaqaalaha isbatalku ay shaqada ugu wadaan dadkan   ku wax yeeloobay shilkan gaadhi, waxaana uu uga mahad  celiyey sida hufan ee ay dadweynaha ugu adeegayaan isagoona ku booriyey in ay dedaalka  halkaasi ka sii wadaan.