Guddoomiye Cirro Oo Bogaadiyay Ardayada Ka Qalin-jabisay Dugsiyada Somaliland

Hargeysa  (SL.Post)  Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray dhammaan ba ardeyda kala duwan ee ka qalin-jabisay dugsiyada Hoose/Dhaxe iyo Sare ee Somaliland oo maalintii shalay lagu dhawaaqay imtixaanaadkoodii shahaadiga ahaa.

 

IMG_3639

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiye Cirro oo ogsoon sida oo kale na maanka ku haya muhiimadda Waxbarashada iyo faa’iidada ay u lee dahay qaran ahaan, waxa uu sidan u sheegay mar uu saaka la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, waxaana qoraalka hambalyada guddoomiyahu ay u dhigneyd sida tan:

 

 

 

Hambalyada uu Guddoomiye Cirro u Diray Ardeyda Qalin-jabisay:

 

 

Qiime-wayn ayey iigu fadhidaa maanta in aan halkan hambalyo uga diro 24,931 arday oo ka qalin-jabiyey dugsiyada dalka ee hoose/dhexe iyo sareba.

 

 

Bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan ardaydaas dedaalka dheer ka dib maanta dhammaystay waxbarashada, waxan sidoo kale hambalyo u diryaa dugsiyada, macalimiinta iyo waalidkii ku soo tabcay ardaydaas tirada badan ee qalin-jabisay, gaar ahaan waxan hambalyo gaadhsiinayaa hooyooyinka duruufaha badan la soo maray ardaydaas.

 

 

Waxan si gaar ah hambalyo u gaadhsiinayaa ardayda gashay kaalmaha ugu sareeya ee Dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee dalka.

 

 

Waxan leeyahay:-

 

 

Waxbarashadu waa farsamada aad ku anfacaysaan qarankiina.

 

Qarankiinu wuxu ku hawlan yahay sidii uu idiinku abuuri lahaa mustaqbal ifaya oo aad ku naalootaan, idinkana waxa laydinka rabaa dedaal aqooneed oo aad barri kula wareegtaan qarankaas laydiin diyaariyey.

 

Waxa laydinka baahan yahay in aad ku kalsoonaataan aqoonta oo aad saaxiib ka dhigataan buugga iyo qalinka.

 

Ugu dambeyn, waxa aan dardaaran u soo qaadanayaa tuduc ka mid ah Maansadii SIRTA NOLOSHA ee Hadraawi ku yidhi.

 

“Qalinkaa wax suureeya

 

Kugu sima halkaad doonto

 

Saaxiib kal furan weeye

 

Sunto fara ku hayntiisa

 

Weligaa ha sii deynin”

 

 

 

 

 

Halkana ka daawo.

 

 

 

 

DHAMMAAD

 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

 

Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)