Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Oo Ka Warbixiyey Xaaladda Laascaanood iyo Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa ka warbixiyey natiijada Socdaal uu maalmihii u dambeeyey ugu maqnaa magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Shir-beeleed ay isugu yimaaddeen Garaaddada iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha gobollada Sool iyo Buuhoodle, ayaa shalay ka furmay magaalada Laascaanood, waxaanu guddoomiye Khaliif Rejo fiican ka muujiyey natiijada ka soo bixi doonto Shirkaas.

Cabdirisaaq Khaliif oo maanta Hargeysa kula hadlay warbaahinta kaddib markii uu ka soo laabtay socdaalka uu ugu maqnaa Laascaanood, waxa kale oo uu ka warbixiyey Kulan Dhexmaray madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo uu u gudbiyey warbixin ku saabsan qodobbada uga soo qabtay socdaalka uu ku tagay gobolka Sool.

Hadalka Guddoomiyaha kaga bogo muuqaalka Hoose