Guddoomiye Baashe oo u Jawaabay Guddoomiye Cirro, kana dhawaajiyey Weedho Falaadh ku ah Xisbiyada mucaaradka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Md Baashe Maxamed Faarax, ayaa jawaab ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay Guddoomiye Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo dhowaan ku baaqay in la kala diro Golaha Wakiillada iyo Golaha Xukuumadda marka ay gaadho 26-June ee sannadkan oo ah wakhtiga loo muddeeyey inay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Baashe Maxamuud FaaraxGuddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa  hadal uu todobaadkii hore ka jeediyey munaasibad xisbigiisu ku qabsaday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ku sheegay inaanu xisbigiisu Aqoonsanayn Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo wixii ka dambeeyey 26-June, isaga oo Golaha Guurtida uga digay inay wax muddo-kordhin ah u samayso. Waxaanu Md Cirro ku baaqay in haddii doorashooyinku wakhtigooda dib uga dhacaan la soo dhiso dawlad wadaag ah oo dalka gaadhsiisa wakhti ku haboon oo doorasho la qaban karo.

Haseyeeshee, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo ka tirsan Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa mar uu maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu ku baaqay in haddii la doonayo doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta in layska dhaafo isla markaana meesha laga saaro Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo dhaqaalihii ku baxayey aan wali laga helin isla markaana aanay bixin qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka. Balse qodobka ka-tanaasulidda Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee guddoomiyuhu kaga dhawaajiyey, ayaa ah mid ay ku dhaggan yihiin Xisbiyada mucaaradka oo ka cabsi qaba musuq-maasuq iyo wax-is-daba-marin xukuumaddu kula kacdo doorashooyinka.

HALKAN KA DAAWO HADALKA GUDDOOMIYE BAASHE