Guddoomiye Baashe Faarax oo soo bandhigay Ubucda Khilaaf u dhexeeya isaga iyo Eng Faysal Cali Waraabe

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka jawaabay eedaymo saamayn taban yeeshay oo Guddoomiyaha Xisbiga UCID todobaadkii hore u jeediyey.

Eng Faysal Cali Waraabe oo todobaadkii hore hadal warbaahinta u mariyey madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ku booriyey inuu maamulkiisa ka saaro madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Karaash oo khilaaf u dhexeeyo, kaas oo uu ku tilmaamay inay isku mid yihiin guddoomiye Baashe Faarax oo uu ku eedeeyey inuu Iska fadhiyo Golaha Wakiillada, in kasta oo markii dambe guddoomiye Faysal raalli-gelin ka bixiyey hadalkaas.

Haddaba Guddoomiye Baashe oo maanta Saxaafadda la hadlay, ayaa eedayntaas Eng Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay mid salka ku haysa inay isku hayaan Dhaqaalihii xisbiyadu qaadan jireen oo Golaha wakiilladu ka yareeyeen.

Guddoomiye Baashe, waxa uu xusay in Miisaaniyadda danbe xisbiyadu ku qaadaan doonaan Cabbirka codadkii ay ka heleen Doorashadii madaxtinimo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa sheegay in ay go’aansadeen in aan guddoomiye Faysal mar danbe isu soo sharraxayn doorashada madaxtooyada taas oo macnaheedu yahay in ay soo saarayaan xeer cusub oo ka mumnuucaya murashaxa inta jeer murashaxu isu soo taagi karo doorasho.

Hadalka Guddoomiye Baashe kaga Bogo Muuqaalka Hoose