Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Ka Dhawaajiyey Farriin Liddi ku ah Musharaxnimada Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey inuu jabiyey qodobbo ka mid ah dastuurka dalka.

Guddoomiye Xirsi Cali oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga, ayaa sheegay inuu madaxweynuhu ka tallaabsatay qodob dastuurka ka mid ah oo tilmaamaya shuruudaha looga baahan yahay cidda madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa loogu dooranayo dalku inaanay haysan karin baasaboor ajaanib ah.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland haysto baasaaboorka Dalka Jabuuti, sidaas awgeed uu jabiyey qodobkaas dastuuriga ah.

Hadalka Guddoomiye Xirsi Cali ayaa ku soo beegmaya xilli uu gebo-gabo ku dhow yahay muddo-xileedka loo doortay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo muddo Hal sanno ku ahi u hadhsan tahay.

Balse, waxa hadalka guddoomiyaha loo fasirtay farriin ku socota Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isagu dhawaan xilka guddoomiyaha xisbiga ku wareejiyey Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa haysta dhalashada dalka Finland. Sidoo kale, guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa haysta dhalashada dalka Finland.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadaka Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhaliilo kala duwan u jeediyey madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Finland oo dhawaan socdaal ku yimi Somaliland ayaa waraysi lala yeeshay kaga sheekeeyey kaftan dhexmaray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay.

Xildhibaanku waxa uu sheegay inuu madaxweynaha kula kaftamay in dalkiisa Finland uu saamayn ku leeyahay siyaasaadda Somaliland maadaama oo ay guddoomiyeyaasha Xisbiga Mucaaradka Somaliland yihiin muwaadiniin haysta dhalashada Dalkiisa Finland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net