Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo reer Gabiley u laqimay tabasho-siyaasadeed oo 12-jirsatay

“Gabiley, anigu iskuma cusbin, 2001-dii markii ururrada la aasaasay, Kulmiye oon jirin, ururkii u horreeyey ee Gabiley yimaadda ayaanu ahayn. Halkii aad wax mariseenna waydinkii ogaa, maantana (shalay) waa laygu dhaartay”

Gabiley (SLpost)- Wefti ka kooban masuuliyiinta ugu sarreysa xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa shalay socdaal dhoola-tus ah ku tagay gobolka Gabiley, gaar ahaan magaalooyinka Gabiley iyo Tog-wajaale, halkaas oo xisbigu ka furtay xafiisyo cusub oo barnaamijkiisa siyaasadeed uga gudbiyo bulshada.

FAYSALWeftigan oo ay horkacayeen Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Murashaxa Madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen, Murashaxa madaxweyne ku-xigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan, guddoomiye ku-xigeenka saddexaad Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Gabiley iyo Tog-wajaale oo xisbigu ka furtay xafiisyo cusub.

Magaalad Gabiley ee xarunta gobolkaas oo weftiga si weyn loogu qaabiley, guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa xadhigga ka jiray Xafiis cusub oo xisbigu ka furtay magaaladaas, waxaana halkaas taageerayaasha xisbiga kala hadlay guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo dadweynaha reer Gabiley u jeediyey hadal tabasho siyaasadeed u muuqday.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in xisbiga UCID uu ahaa xisbigii ugu horeeyey ee taageero siyaasadeed ka doonta Gobolka Gabiley, balse ay codkooda ugaga hiiliyeen xisbiga Kulmiye, waxaanu ku dooday inaanay qorshaha ugu jirin socdaalka uu shalay ku tagay magaalada Gabiley.

“Gabiley, anigu iskuma cusbin, 2001-dii markii ururrada la aasaasay, Kulmiye oon jirin, ururkii u horreeyey ee Gabiley yimaadda ayaanu ahayn. Halkii aad wax mariseenna waydinkii ogaa, maantana (shalay) waa laygu dhaartay, inaan idiin imaaddo maan doonayn, imashadaas maantaa iigu soo horeysay,” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Maxaa yeelay wali may soo kala dhammaamin Kulmiye iyo Gabiley. Waxaan lahaa markay soo kala dhammaadaan ee runtu, run noqoto aad isu timaaddaan.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu taageerayaasha Xisbiga UCID ugu baaqay inay midnimada xisbiga ku ilaaliyaan nidaamka dimuqraadiyadda, lagana fogaado hadallada cunsuriyadda ku dhisan ee ka dhasha xurgufta siyaasadeed ee loolanka hoggaanka dalka.

HALKAN KA DAAWO

SOMALILANDPOST.NET