Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada shir Xisbiyada Dimuqraadiga ah ee dalalka Afrika ugu qabsoomay waddanka Marooko ee Woqooyiga Qaaradda Afrika.
Guddoomiya Muuse Biixi oo maanta dalka dib ugu soo laabtay oo madaarka magaalada Hargeysa kula hadlay warbaabinta, waxa uu sheegay inay shirkaas isugu yimaaddeen Xisbiyada Dimuqraadiga ah ee ka jira 24 waddan oo Qaaradda Afrika iyo hay’ado ka socday baarlamaannada waddamada Qaaradda Yurub.
HALKAN KA DAAWO GUDDOOMIYHA